WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay oo Kenya ku eedeeysay inay Duqeymo ku dishay dad shacab ah Koonfurta Somaliya..

BANKIMOONKenya(WJN):-Qaramada Midoobay ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay in ay dhibaato fara badan u geysatay dadka Somaliyeed ee kunool Koonfurta Somaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon ayaa sheegay in duqeymaha aan loo meel dayin ee dowladda Kenya ay ka wado koonfurta Somaliya in lagu dilay dad badan oo shacab ah iyo sidoo kale xoolo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in diyaaradaha dalka Kenya ay ku dileen koonfurta  Somaliya dad shacab ah oo tiradoodu tahay 29 qof kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Shabaab ay ku qaadday Saldhig Millateri oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa duqeymo badan waxa ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo,waxaana dadka deegaanadaasi ku nool ay dowladda Kenya ku eedeeyeen in ay xasuuqday dad iyo sidoo kale xoolo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale Dowladda Kenya ku eedeeyay Duqeymaha inay ku bur burisay gobo ceel biyoodyo ah iyo goobo dad shacab ah ay degan yihiin.

Dadka deeganka ayaa muddooyinkii dambe ka cabnaayay Duqeymaha Dowladda Kenya ay ku garaaceysay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

 

 

 
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version