WAJAALE NEWS

Madaxweyne Erdogan Ka Dalka Turkiga Ayaa Sarkaal Sare Oo Ka Mid Ah Militariga Mareykanka ku Eedeeyay Inuu La Jiro.

turki(5)Hargeysa(WJN):-Madaxweyne Erdogan ka dalka Turkiga ayaa sarkaal sare oo ka mid ah militariga Mareykanka ku eedeeyay inuu la jiro dadkii isku deyay inay dowladda afgembiyaan, laba isbuuc ka hor.
Hadallada Mr Erdogan, waxa ay ku wajahan yihiin Janaraal Joseph Votel oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Sarkaalkaas ayaa sheegay in shaqa ka eryidda ciidamada Turkiga kadib afgembigii dhicisoobay uu wax u dhimayo wada shaqeynta militariga.
Hadal uu ka jeediyay magaalada Ankara, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in dalalka cambaareynaya howlgalka maamulkiisa, looga baahan yahay inay mahdiyaan Turkiga sida uu uga hortagaya fagembiga.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim oo la hadlay taageerayaasha dowladda waxa uu sheegay inuu amray in la xiro saldhigyada ay ka mid ahaayeen ciidamada ka qeybgalay afgembiga.
Dhanka kale 21 weriyayaal ayaa waxaa la horkeeyay maxkamad ku taalla Istanbul, taas oo qeyb ka ah howlgalka ka dhashay afgembigii laba isbuuc ka hor dhcisoobay.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

Exit mobile version