WAJAALE NEWS

Maayarka Soltelco Oo Shaqadii Shacabka Caasimada ka Sugayeen + Dayaca Wadooyinka kaga Mashquulay Ururinta Salaadiyiin Taageero looga Raadinayo Muuse Biixi Iyo Muuqaalka Guri Dabada Oo Uu U kireeyay Ololahan .

HARGAYSA(Wajaalenews) Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco oo in mudo ah Hayay xilka Maayarnimada Caasimada hargaysa ayaa mudooyinkii udanbeeyay waxa isa soo taraya tabashada baahsan oo kasoo yeedhaysa shacbiga ku kala nool degmooyinka hargaysa kuwasi oo ka cabanaya adeeg la,aanta masuuliyiintii loo doortay bilcinta caasimada iyo dayactirka wadooyinka guud ahaan dhex mara magaalada hargaysa oo xiligan isku badalay boholo khatar ku ah isku socodka gaadiidka kuwaasi oo maalin walba soboba isku dhaca gaadhida gaystana khasaare naf iyo maalba leh iyo sidoo kale qashinka buux dhaafiyay badhtamaha suuqyada hargaysa iyadoo ay xiligan magalada hargaysa maalin walba ka da,aan raxmaadkii eebe    lagana cabsi qabo in xanuuno ka dilaaca guud ahaan degmooyinka caasimada.

sidoo kale dhaliilaha masuuliyiinta caasimada hargaysa ayaa noqday kuwo xadhkaha goostay kuwaasi oo ku dhiiraday in ay iibiyaan dhul dan guud oo hore loo siiyay haayadaha qaramada midoobay kuna wareejiyeen dayr muujinaya in ay fulinayaan ujeedadii loosiiyay, falkaasi oo dhaawac wayn gaadhsiiyay magaca qaranimada somaliland iyo aaminaadii ay ka qabeen dadka ajaanibka ahi iyadoo daaha ka fayday aqoondarada haysata  masuuliyiinta loo xil saaray caasimada somaliland,

dhanka kale masuuliyiinta dawlada hoose ee hargaysa oo uu hormuud ka yahay maayarka soltelco ayaa mudooyinkii udanbeeyay aan kasoo xaadirin xafiisyadooda taasi oo keentay in shacabka hor tubnaado marwalba xafiisyo xidhan.

masuuliyiinta dawlada hoose ee ku fashilmay xilkoodii  ayaa iyagu xiligan u xuubsiibtay olole reeraysan oo ay teegaaro ugu raadinayaan xisbiga kulmiye iyo wareejinta dekeda berbera kaasi oo ilaa bishii ramadaan ay xaflado ku kala qabanayeen huteelo kamida kuwa caasimada hargaysa.

halka maayar soltelco uu isagu si badheedha ugu xuub siibtay taageero u raadinta murashax muuse biixi oo xiligan faro badhan ka taagan siyaasiyiinta jufadiisa hoose iyo badi madaxdhaqameedka beesha sacad muuse

hadaba maayar soltelco ayaa xiligan guri laba dabaqa magaalada hargaysa gaar ahaan xaafada boqol iyo kontonka uga kireeyay qaarkamida slaadiinta sacad muuse kuwaasi oo sida la sheegay ujeedadoodu tahay sidii  ay taageeri lahaayeen gudoomiye muuse iyo wareejinta dekeda berbera oo xiligan xaalado cakiran ka taagan yihiin

kirada gurigan ayaa sida lasheegay waxaa ku baxa kharash faro badan kaasi oo maalin walba uu ka socdo shir iyo olole hoose

balse macada ujeedada uu xiligan maayar cabdiraxmaan SOLTELCO uu shaqadii shacabka iyo hooyada tamaandhada iibinaysa ee cashuurta laga qaaday ka sugaysay iyo halka uu ka fad kudiyay,

halka ay gabi ahaanba  caasimada hargaysi  ka aradan tahay adeegyadii laga sugayay masuulkan u xuubsiibtay xisbi yahanka iyo ku shaqaynta shaadhka qabiilka.

 

Wajaalenews Desk

Hargaysa Office

Email;wajalenews@gmail.com

 

 

Exit mobile version