WAJAALE NEWS

Hogaamiyaasha Afrika Oo Taageeray In Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Loo Diro Koofurta Sudan.

suudanHargeysa(WJN):-Hogaamiyaasha Afrika ayaa taageeray qorshe lagu doonayo in ciidamo ka socda gobolka loo diro dalka Koofur Sudan, kadib markii ay dagaalo ay boqolaal ruux ku dhinteen ay ka soo cusboonaadeen dalka Koofurta Sudan.

Ciidamo ka socda wadamada Midowga Afrika oo ka socda dalalka Ethiopia, Kenya, Rwanda,Sudan iyo Uganda ayaa la qorsheynayaa in loo diro dalka Koofurta Sudan oo labadii sano ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo sababay in boqolaal ruux ay dhintaan kumanaana ay ku barakacaan.

Ciidamo gaaraya 12,000 oo askari oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa hore ugu sugnaa dalka Koofurta Sudan balse ciidamada Midowga Afrika ayaa la filayaa in la siiyo awoodo dheeri ah. Hase yeeshee dowlada Koofurta Sudan ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo keenista ciidamo nabad ilaalineed dalkeeda.

“Diyaar uma nihin in la keeno hal askari oo dheeri ah dalkeena, waayo ma ahan mid xal u keeneysa mashaakilka jira.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dowlada Koofurta Sudan Michael Makuei Lueth. Si kasta ha ahaatee,Madaxweyne Salva Kiir iyo kuxigeenkiisa oo ah mucaarad Riek Machar ayaa ku dhowaaqay xabad joojin.

Madaxa Midowga Afrika ee arrimaha Nabada iyo ammaanka Smail Chergui ayaa sheegay in la qorsheynayo ciidamo gaaraya saddex kun oo askari oo ah ciidamo gaar ah lana mid ah kuwii hore loo geeyay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo 2013 la geyn doono wadanka Koofurta Sudan. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa taageeray geynta ciidamo ka socda Midowga Afrika dalka Koofurta Sudan.

 
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version