GABILEY(Wajaalenews) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland iyo wafti u hogaaminayo ayaa shalay galab safar ku tagay deegaanka jufada oo ka tirsan gobolka gabilay halkaas oo lagu qabanayay siyaarada sheekh caan ka ah dhulka somalida kaasi oo sanad kasta maalinta ku beegan ciidul fidrida lagu qabto deegaanka jufada oo katirsan gobolka gabiley,
Gudoomiye c/raxmaan ciro oo ay booqashadiisa ku wehelnayeen xildhibaano ka socda golaha wakiilada iyo masuuliyiin kale ayaa mudadii uu joogay oo ahayd waqti saacado ah waxa uu halkaa uga duceeyay muftiga ku duugan goobtaas siyaaradu ka socotay oo ay sanadkiba mar isugu yimaadaan kumanaan dad ah oo uga duceeya muftiga.
Alla ha u naxariistee Xaaji Daahir C/laahi oo ka mid ahaan jiray hogaamiyayaasha diinta ee caanka ka ahaa deegaanada somalidu degto isla markaana ahaa sheekh ilaahay ku manaystay karaamooyinka rabaani ah lagana arkay mucjisooyin badan ayaa si wayn looga xusayay siyaaradiisa mudo ku siman 34 sano oo ah mudada ka soo wareegtay geeridiisa.
Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa ah masuul inta badan abaara ficilada ay daneeyaan bulshadu iyada oo la ogyahay in gobolada galbeedka somaliland aad looga xuso dad badan oo ku suntan hogaamiye diineed,Iyo Dariiqada Qaadiriya oo iyadu sal u ah xusuusta iyo xurmaynta culimadii dadka soo gaadhsiisay diinta,
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE