hargeysa(WJN):-warar deg deg ah oo naga soo gaadhaya degmada gaashaamo soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Wararka Ee Wajaalenews.net ayaa sheegaya in dawlada fadaraalka itobiya ay saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada fadaraalka usoo dirtay deegaankii dhawaan aydadka badan lagu laayay
Waxaana saraakiishani sida naloo sheegay ay gabi ahaanba la wareegeen amaanka degmada gaashaamo iyo deegaano hoos yimaada,sidoo kalena waxa naloo sheegay in saraakiishani ay guda galeen baadhitaano ku waajahan dagaaladii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad oo ay geesteen ciidamada liyuu boolisku.
Saraakiishan ayaa waxa naloo sheegay inay amaro kusoo rogeen ciidamada liyuu booliska iyaga oo ku amray inay gabi ahaanba ka baxaaan deegaanada ay joogaan islamarkaan u sheegay inaanay soo dhaafin deegaanka marsin inta ay wadaan baadhitaanada ku waajahan shaqaqadii Jaamac Dubad.
Dhinaca kale wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada Liyuu Boolisku ay gabi ahaanba ka baxeen deegaanadaas, waxaana awaamiirta kasoo baxay saraakiisha ku diirsaday shacab waynaha deegaanada degmada gaashaamo.
Saraakiishan sar sare ee ka socda dawlada fadaralka itoobiya ayaa la filayaa inay warbixino ka dhagaystaan shacabka deegaanada isla markaana ka xaal waraystaan sida dhibaatadu u dhacday.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane