WAJAALE NEWS

Caabuqa Xanuunka Cagaarshowga Oo Kamid Noqday Cudurada Dilaayaasha Ah

cagaarshowgaHargeisa(WJN):-Tirada dadka u dhintayna ayaa aad u sii kordhaysa  sida aids-ka ama tiibishada ayaa la ogaaday inay ad u soo badanayaa cudurkan ayaa laga baqayaa in uu aduunka aad ugu soo bato sanada so socda
Sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Sharbaarka Lancet.
Warbixinta lagu xusay in cudurka Cagaarshowga, iyo saameyntiisaba ay u dhinteen 1.45m oo qof sanadkii 2013kii, inkastoo ay jiraan daweyn iyo tallaal loogu talagalay.
Fariinta hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay muujineysaa in 1.2m oo qof ay aids-ka u dhinteen sanadkii 2014kii, halka Tb-dana ay u dhinteen 1.5m oo qof isla sanadkaasi.

WHO waxa ay sameysay qorshe wax looga qabanayo oo looga hortagaya Cudurka Cagaarshowga.
sidoo kalena waxa jira qorshayaal lagaga hortagayo oo la rabo in wax laga qabto cudurka cagaarshowga.

Hargeisa Offic
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version