WAJAALE NEWS

“ Xukuumadda Soomaalilaan Af-Sharci Ma U Leedahay In Ay Ka Hadasho Dhacdadii Gaashaamo ?”. W/Q.SHarcidoon Jimcaale Jaamac Muxumed.

Maxaa miskiin-yar oo dhuuban xaqqiisa ku waayey xuduud xusul-duuban!. Maxaa dil iyo dhac loo gaytay qummane xaq ku taagan, oo kuwo qawleystayaal ahi qarqarka u galiyeen xabbad qiiqaysa! Dhiig bini’aadam maxaa macaan la ma mooday oo loo soo hilloobay!. Maxaa baaba’ hanti iyo guryo la gubay la isku qurxiyey oo loo yeellay midab-madow!. Maxaa qiimaha la ga jabiyey  qalanjo jalaqsan oo jabayey la ga ga siiyey!. Maxay ibo-fureen bur-bur iyo baaba’ muddo badan la so af-jarayey oo ay u beddeleen dagaal sokeeye!.

Xasuuq Xanuun Badan oo qof walba oo adduunka ku nooli ka damqan karo ayaa ka dhacay deegaanka Gaashaamo ee ku teedsan xuduudka Itoobiya,halkaas oo ciidanka federaalka ee Itoobiya iyo ciidamada Liyuu-Booliska oo wada jiraa xasuuq ba’an u gaysteen dadka ku dhaqan deeganka Jaamac Dubad oo jihada bari ka ga toosan degmada Gaashaamo . Xasuuqaas ay ciidamada Itoobiya gaysteen ayaa waxa ku dhintay dad kor u dhaafaya 41 qof oo rayid ah, kuwaas oo isugu jira carruur, maati iyo Haween oo gudaha magaalada  la gu laayey.

Dhacdadani tii u gu horreysay ma aha ee ay ciidamada Itoobiya gaystaan, goor iyo laylba waxa ay dil, dhac iyo booba ka wadaan deegaanada ku teedsan xuduudka ee gabi ahaan ba ka mid ah dhulka ay mas’uulka ka yihiin ee hoos yimaada dawlada Itoobiya, Sidoo kale, dhacdadaasi waa mid dhalinaysa nacayb, nacaybkuna waxa ku dhex jira xasadka, xiqdiga, xinka, xumaanta iyo xafiltanka, kuwaasina waxa ay dhalaan dagaal ba’an oo ay ku madhaan caruurta,dumarka iyo odayaasha aan awoodda lahayn.

Joogso!.I soo eeg !. Kollay waan ogahay in ay neftaadu jeceshay in qalinkaygu  u leexdo  dhinacaa iyo dhacdadii ka dhacday degmada Gaashaamo  dhawrkii cisho ee aynu soo dhaafnay, se qalbigaygu wuxu I lee yahay qalinka waxa aad u leexisaa su’aasha sharci ee ah “Xukuumadda Soomaalilaan af-sharci ma u lee dahay in ay ka hadasho dhacdadii ka dhacday degmada Gaashaamo ee ka mid ah dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya?”.

Aan u gu soo horreysiiyo qodobka 1aad, faqraddiisa koowaad ee dastuurka Soomaalilaan ee odhanaya  “Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii, si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.   Qodobkaasi waxa uu innoo caddaynayaa halka ay ka timid dawladda Soomaalilaan, isla markaana ay hadda tahay dawlad madax-banaan oo aan ka mid ahayd dawladdii la isku odhan jiray “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”, Waxa aan qodobkan u gu soo horreysiiyey in aad fahantid waxa ay tahay Soomaalilaan. Isla markaasna, aynu kala garanayo in aanay isku mid ahayn labada dawladood ee Itoobiya iyo Soomaalilaan, mid kastaana ay lee dahay xuquuq iyo waajibaad u gooniya oo ka saraan shacabka ay mas’uulka ka yihiin.

Aan ku xigsiiyo qodobka labaad,faqraddiisa labaad  ee odhanaya “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8° ilaa 11° 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42° 45′ ilaa 49° Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).” Qodobkaasi waxa uu innoo caddaynayaa inta uu ka kooban yahay dalka amma dhulka jamhuuriyadda Soomaalilaan, isla markaana uu sharciga iyo qaanuunka u yaalla ka shaqayn karo. Sharciga iyo qaanuunka waddanka Soomaalilaan u yaalla u ma gudbi karo xuduud uu wadddan kale lee yahay.

Haddaba,waynu wada og-nahay in ay dadkaasi qabiil ahaan ka soo jeedeen qabiilada dega Soomaalilaan, taasina ma aha in ay dadkaasi maamul iyo xukun ahaan hoos yimanayaan dawladda Soomaalilaan, waxa ay si toos ah u hoos tagaan maamulka dawlada federaalka ee Itoobiya, maadaama ay yihiin muwaadiniin degan dhulkaaas, falkasta oo loo gaysto  dil, dhac iyo boob ba waxa ay ka andacoon karaan maxkamadaha Itoobiya ciddii ay doontaba falkaasi ha u gaysto shacab amma ciidan ba, haddii ay maxkamadahaasi wax ba ka qaban waayaan dacwadaas, waxa ay xaq-sharci u lee yihiin in ay dacwadooda u gudbiyaan maxkamadaha caalamiga ah, sidaasna waxa ay ku noqonaysaa dacwad-heer-caalami ah.

Haddaba, xukuumadda Soomaalilaan af-sharci u ga ma yaallo in ay xukuumadda Itoobiyo ku dacwayso dhacdadii ka dhacday degmada Gaashaaamo, waayo? Falkaasi waxa uu ka dhacay dibadda xuduudkeeda, se waxa ay awood u lee dahay in si diblimaasiyeed arrintaas u ga hawl gasho, sidoo kale, waxa ay xaq-sharci u lee dahay in ay xasuuqaas dhaleecayso oo ay caalamku u sheegto in deegaanada ku teedsan xuduudka ee dhaca dhinaca Itoobiya ay ka dhaceen xasuuq ba’an, iyada oo tabaqayso xeerka caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha.Haddaba, tusaale ahaan, bal ka warran haddiii ay Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya  yidhaahdaan  “waxa aannu Soomaalilaan ku dacweynaynaa dilka ay u gaystaan baleeshiyo-beeleedyada nabad-diidka ah ee  ka dagaalama gudaha Soomaalilaan, gaar ahaan Buuhoodle iyo agagaarkeeda,waayo? Qabiil ahaan waxa ay ka soo jeedaan dadka degan dalkayaga”. Waxa ay noqonayaan goroyadii madaxa ciida la gashay ee is-mooday in aan la arkayn.

Guntii iyo gebogabadii, sida aanay dawlad-deegaanta Itoobiya ee Soomaaliya u ga hadli Karin marka ay ciidamada Soomaalilaan dilka u gaysanayaan maleeshiyo-beeleedyada nabad-diidka ah ee ka dagaalama Gobolka Sool Ee Soomaalilaan iyo agagaarkiisa, ayaanay Soomaalilaan na Itoobiya ku dacweyn kain falkasta oo ay ka gayto dhulkeeda, cidda loo gaystaana  qabiilka ay doonaan ha ahaadaane’ee.

W/Q. SHarcidoon Jimcaale Jaamac Muxumed.                                                                             Email:Sharciyaqaan2015@gmail

Exit mobile version