Hargeysa, (W,N) Waxay ahayd bishii July ee sannadkii 2004-tii markii ay soo gaadhay Cabdi Qawdhan Cabdi, dacwad u dhaxaysa laba qof oo muwaadiniin ah oo la xidhiidha dhul. Iyada oo uu waqtigaasi ahaa Gudoomiye ku xigeenka Degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Sida ku qoran warqad uu ka soo saaray xilligaasi uu Mr. Cabdi ahaa Gudoomiye ku xigeenka Degmada Axmed Dhagax, waxa uu u gudbiyay guddida dacwadaha dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, isla markaana waxa uu ka dalbaday in ay soo kala saaraan, isla markaana ay u soo gudbiyaan natiijadda.
Markii ay guddidani ka garnaqeen waxa ay sheegeen in laba mitir iyo badh saa’id ahi ay banana yihiin, isla markaana ay wadadu banaantahay
“Markii aan wadada qaadnay waxa aan ku soo aragnay 2.6 mitir oo dhisme ah oo wadada ka raacaya dhinaca Koonfureed ee guriga la joojiyay”. Ayay guddidii farsamadu ku soo warceliyeen.
Dacwadii way socotay labadii dhinacba kuma ay kala qancin, balse 15/05/2016-kii ayay ahayd markii sarkaalkii isaga oo Gudoomiye ku xigeen ah ka garnaqay dacwadaasi uu soo saaray qaraar kale isaga oo markan ah garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex. Waxaanu qaraar uu ka soo saaray ku yidhi. “goobta dacwadu ka timid waxa u cadaatay inay tahay guryaha soo galayna ay ku soo durkeen wadadii, sharcidarrana ay tahay cudur daarna aan loo heli Karin in khalad la raaco oo wada la jaro”.
Intaasi oo keli ah kuma koobna’e Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa ayaa isaguna warqad uu ka soo saaray bishii March ee sannadkani waxa uu ku yidhi. “Markii Guddida farsamadu tageen waxa cabir dheeraad ah oo dhan 2.6 ka raacaya dhinaca Koonfureed marka loo eego cabirkii hore ee sharciga ugu qornaa, …………. Markaa waxaanu idiin sheegaynaa inaad raacdaan warbixinta hore oo uu gurigaa dhinaca Koonfureed wado ku leeyahay”.
Wadadani Koonfureed waxay calaamad u tahay sida muranka dhulku saamayn ugu yeeshay dhinac kasta oo ka mid ah haykalka dawladnimo ee Somaliland.