Waa kuma Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley/ Imisa Maayar Ayuu Lasoo Shaqeeyay Majirtaase Aqoon uu kuwadi karo Shaqa Balladhan Ee Maamulka Gabiley ma leeyahay?.
GABILEY(Wajaalenews) Warbixintan ayaa noqon doonta mid aynu diirada ku saari doono xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Mudadii Uu xilkan hayay Iyo Doorka uu ku lahaa khilaafka golaha deegaanka, iyo kaalinta musuq maasuq ee ku kacay
sidoo kale waxay si qodheer usoo bandhigi doonaa aqoonta iyo taariikhda shaqo ee Cabdiraxmaan Nuur Abokor
dhanka kale waxay soo bandhigi doonaa doorka uu ku leeyahay kala qaybin shacbiga degmada gabiley iyo tacadiya uu kula kacay shaqaalaha dawlada hoose oo uu ku eryay sifo ah fogayn qabiil Iyo kicin beelaha
Door intee leeg buuse ku leeyahay kala fogayn xukuumada iyo shacabka reer gabiley ?
Caqabad inteeg leeg ayuu ku yahay wax qabadka maayarka hada xilka haya?
Maamulka Degmada gabiley xilka maku joogaan saamigii ay Qabiilka degmada wadaa wax Ku kula qaybsan jireen xilalka fulinta?
l qormadeenan ayaa noqon doonta mid aynu si balaadhan ugu kuur gali doono dhamaan dhacdooyinkaa aynu kor kusoo xusnay iyo baaxada musuq maasuq iyo kala qaybin ee xoghaye Cabdiraxmaan ku kacay mudooyinkii udanbaysa iyo saamaynta kacdoono lagaga soo horjeedo oo la filayo in ay ka Aloosmaan Magaalada Gabiley Maalmaha soo socda,
Xogahaya Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor ayaa ah xoghayihii ugu cimriga dheeraa ee soo mara degmada gabiley sidoo kale xoghayahan ayaa lasoo shaqeeyay shan maayar oo soo maray magaaada gabiley.
Ugu horay xoghaya dawlada hoose ee degmada gabiley ayaa xilka xogahaye hayay mudo ku siman lix sano isagoo mudadaa lasoo shaqeeyay shan maayar oo u kala danbeeyay xilka maayarnimo ee magalaada gabiley,
hadii anyu xusno magacyadooda ayay kala yihiin
Aadan Muxumed Bade
Khadra Xaaji Gaydh
Axmed Samir
Shucayb Maxamed Muuse iyo Maayar Xiligan xilka haya Maxamed Aamiin Cumar
hadaba marka dhamaan aynu dib umilicsano maayaradii Cabdiraxmaan Nuur lasoo shaqeeyay mid walba wuxu saami qaybsiga beelaha degmada gabiley ahaa mid sidii loogu talo galay u yaal marka laga reebo mudadii koobayn ee Axmed Samir Xilka hayay oo iyadu ahayd xili kala guur ah,
SIdoo kale xoghayaha dawlada hoose ee gabiley ayaa door culus ka qaata khilaafyada soo noqnoqda ee ragaadiyay golaha deeganka Gabiley balse sida cabdiraxmaan nuur ku dooda wuxu xilka xoghayaha ku joogaa Baawarka Xubno ka Agdhaw Amaba Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada waasida uu hadalka u dhigaye,
Xogahan iyo Warbixino kale oo faah faahsan
lasoco qormoyinkeena Danbe.
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM