WAJAALE NEWS

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Cagojugleyn Iyo Awood-sheegasho Ula Tagey Cuqaal Daadafeeyey Suldaan Abshirkii 18ka May Diiday.

Boorama(Wajaalenews)-Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Gen Maxamed
Faarax(xudhun),ayaa hanjabaad iyo hatidaad u geystey qaar kamid ah
cuqaasha iyo odoyaasha Beelaha baharbar Muuse kadib markii ay dhawaan
daadafeeyeen habdhaqanka hadalada deelqaafka ku ah qaranimada
Somaliland iyo diidmadii uu Suldaan Abshir ku sheegay maalinta
Qaranimada Somaliland ee 18ka May maalin Siyaaro.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Xudhuun ayaa, la sheegay in uu
hanjabaad iyo hatidaad uu ugu hanajbayo Xadhig ula tagey Cuqaasha
dhawaan ka Hadley arintaasi gudaha Magaaada Booram inkastoo aaney noo
suurtagalin in aanu Taliyaha Asuubta wax ka weydiino sababta uu u
cadaadinayo una cabudhinayo Cuqaasha daadafeeyay Suldaanimada Suldaan
Abshir oo diidan Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May hadana
waxa ay dadka xogogaalka u ahi sheegayaa in Taliyuhu si toos ah ula
safan yahey Suldaan Abshir oo ay ka gaws qabsadeen guud ahaanba Beesha
iyo Cuqaashu sidaa daraadeedna uu ugu hanjabayo awoodiisa Taliyanimo.
“Anagu Waxaanu daadafeynay Nin Suldaan Sheeganaya Oo Magaca Beeshayada Sheeganaya oo Maalin Walba wax Qaranimada kasoo horjeeda ku hadlaaya nama matelo ayaanu nidhi ninka yidhi 18ka May waa maalin Siyaaro oo Reer Sheekh Isaxaaq dhigan jireen laakiin Waxa layaab leh waxa uu Taliyihii Dhamaa ee Dawlladu darajada ku toshey ugu hiilinayo ninkaa Suldaan Abshir Sheegta ee kasoo horjeeda Qaranimada Somalland iyo maalinta lala soo noqdey waan idiin Xidhxidhayaa ayuu yidhi ilaa xaley ilaa doraad ahanjabaad ayuu la dul joogay Cuqaasha walaahi hadii Dawlladu wada Socoto oo Si Xaq ah loo wada shaqeynayo Darajada waalaga rifi lahaa oo xadhigaa uu Cuqaasha ugu hanjabayo isagaa lagu badeli lahaa ayaanu leenahay Xudhuun”Sidaa waxa yidhi Axmed Maxamed Cumar Digaale oo kamid ah beesha bahabar-Muuse ee Suldaanka kala noqdey kalsoonida.
Ilaa iyo hada lama garanayo sababta ka baajisey xadhigii uu saaka la
damacsanaa Xudhuun Cuqaasha iyo odoyaasha Beesha bahabar Muuse laakiin
wararka Magaalad  Boorame naga soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in
Taliyuhu ka cabsooday kacdoon dhinaca dadweynaha kaga yimaada iyadoo
Magaalada Boorame la isla dhex marayey safashada Taliye Xudhuun
(Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland),la saftey Suldaan
Abshir oo gees ka ah qaranimada Somaliland sitoos ahna u diidanaa 18ka
May (Maalintii lasoo noqoshada Gooni Isutaaga Somaliland) taas, oo ay ka biyo diideen beesha uu magaceeda ku hadlo inta
badan.

Sikasta oo ay tahey arimaha ugu waaweyn ee la isla dhex marayay Gudaha
Magaalada Boorame ayaa ubadnaa in Taliye Xudhuun ku warhelay in laga
ogaadey dhinaca Xukuumada Guud hanjabaada iyo caga-jugleynta cuqaasha
ka sakow lasafashada Suldaan Abshir arintaas, oo uu uga baqey in ay
saamayn kuyeelato Xilkiisa,waxaana geesta kale isa soo taraya mudadii uu hayey Xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta in uu tacadiyo badan kula kacey Ciidamada Asluubta kuwaas oo uu qaarkooda ka jarey mushaharkii iyo gunadii kuna wargaliyey in uu Qori ugu iibiin doono iyagoo aaney qadarka ay qaataan daboli karin baahiyaadkooda Nolosha.

 

Source Hadhwanaagnews .

Exit mobile version