WAJAALE NEWS

Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(Jidhif) Waxa uu Dhambaal Tacsi ah Udirayaa Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(Wajaalenews)-Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(Jidhif)Taliyihii hore ee Cidanka Qaranka Somaliland isagoo ku hadlaya Magaciisa Waxa uu dhambaal Tacsi ah udirayaa Guud ahaanba Qoyskii,Qaraabadii,ehelkii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka geeriyooday Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse), oo goordhaweyd ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxaanu Mujaahidku ilaahay uga baryayaa Marxuumka in uu janadii fardawsa ka waraabiyo ehelii,qoyskii qaraabadiina iyo guud ahaanba Shacbiga Somalilandna Samir iyo Iimaan ilaahay ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (iskeerse),ayaa la sheegay in uu indhawaale ujiifay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa xanuun mudo hayey,waxaanu Marxuumku kamid ahaa ragii geed dheer iyo mid gaabanba usoo fuulay sidii uu Madaxweyne Silaanyo kursiga ugu fadhiisan lahaa haseyeeshee, uu kaga  wacad baxey markii ku guulaystey  talada dalka,waxaanu hore uga soo qabtey xilka Wasiirnimo Xukuumaduu Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo uu ahaa Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha.

 

 

Exit mobile version