WAJAALE NEWS

Milicsiga Socdaalkii Gabiley ; Profeser Samatar Oo Balan Qaad Afka Ah Ku Taageeray Muuse Biixi Iyo Mugdi Hadheeyay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed .FAALO,

Gabiley(Wajaalenews) Mansabka Profeser Axmad Ismaaciil Samatar U qalma Oo Gudoomiye Muuse Biixi U Qorsheeyay Ma Jiraa ? Haduu Jiro Waa Halkee ? Imisa Fursadood Oo Xisbiga Wadani Uga Banaanaa  Ayuu Dayacay Profeser Axmad Ismaaciil Samatar? Saadaasha Maanka Markaad Eegto Ma Muuqataa In Uu GUUL KA Gaadho Taageerada  Muuse Biixi ? Profeser Samatar Mansabka Siyaasiga  Laga Siiyay Xisbiga Kulmiye Ee Ka Banaan  Waa Maxay ? Profeser Samatar Xilkii Iyo Balan Qaadkii La Iskugu Daray Maxamed Biixi Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada  Miyaa Loo Quudhi Waayay ?

Maalintii Shalay oo ku beegan 13/6/2016 ayay Wafdi uu hor kacayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo uu waheliyo Profeser Axmed Ismaaciil Samatar  Saacad nasasho ah  Cabaaro Tobankii iyo badhkii Barqanimo ku soo mareen Magaalada Gabiley   Waftiga oo ujeedada  socdaalkiisu  daarnaa in ay u sii dhaafaan Magaalada Boorama oo laga diyaariyay Munaasibada uu Profesrku kaga dhawaaqayo in uu ku biiray Xisbiga Kulmiye .

Jawiga madasha ayaa dadkii la socday imaatinka Profeserka  kala kulmeen isbadalo badan oo saacad gudaheed ku dhacay  iyadoo goobta kulanka wax laga badalay oo Guriga Martida oo lagu balansanaa loo badalay Guriga Maamulka Gobolka u kiraysan waxaana xasuusteeda mudan in  markii Profeser Axmad uu ka soo dhaadhacay Gaadhiga uu Salaanta ka hor Hadal Ka soo duulay uu soo jeediyay Dadkii soo dhawaynta Profeserka u yimid waxaanu yidhi { Waxay ahayd in aan kaliday imaado ee waxaa isoo Afduubay Muuse }  intaa ka dib Profeserku waxaa salaan la boobay Salaadiin , Cuqaal iyo Dadwayne tiro badan goobta kulanku ka dhacay ayaan lagu arkayn

Intaa ka dib waxaa la galay Qol kooban oo Xafiiska Gobolka ka mida waxaana xusid mudan in Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid uu warbaahinta Madasha ku sugnayd Amar ku siiyay in ay Xidhaan Kamaradaha   Waxaa madasha ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley oo weedho soo dhawayna iyo mahad naqa ka jeediyay madasha waxaa kale oo madasha ka hadlay Jiif Caaqilka Gobolka Gabiley Dayib Cabdi Ciidle isagoo Jiifku ku faanay in Profeser Axmad  ay laba  Abti iskuu yihiin waxaa kale oo madasha ka hadlay Suldaan Ibraahin Jaamac oo isna weedho taageero ka ah la garab joogsaday Muuse iyo Profeser Axmed ugu danbayna waxaa madasha ka hadlay Profeser Axmad oo sheegay in uu u arko Xisbiga Kulmiye in uu yahay mid la kala dhaxli karo isagoo sheegay in Muuse Biixi ahayn sida la moodayo aanu ahayn .

Dadka Siyaasada u kuur gala ayaa ku tilmaamay ku biiritaanka Profeser Axmad ee Xisbiga Kulmiye in ay Mugdi galinayso Mustaqbalkiisa siyaasadeed iyagoo ku sabobaynaya in Gudoomiye Muuse Biixi Xisbiga ku maamulo Digreetooyin ee aanu ku hogaamin Xeer hoosaadka Xisbiga Kulmiye iyagoo marag uga dhigaya habka uu Xisbiga Kulmiye uga saaray Gudoomiyayaal Shirwaynihii Kulmiye sidii loo doortay Muuse loo doortay sida Gudoomiye ku xigeenkii Labaad ee Xisbiga Kulmiye  Xill Maxamed X Yuusuf Waabeeye iyo Gudoomiye ku Xigeenkii Sadexaad ee Xill Talyanle Talaabooyinkaa uu qaaday Gudoomiye Muuse ee Xeer jabinta iyo ku Tumashada Sharciga markaad eegto waxaa lagu tilmaami karaa Profeser Axmad Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa { Libaax nin aan aqoonbaa lax ka rita }

Inkasta oo Profeser Axmad uu go”aankaa qaatay waxuu Go”aankiisani u qoys gooyay Taageerayaal badan oo Dadka Arimaha Siyaasada u kuur galaa ayaa Aaminsan in uu qaaday jidka Guul darada iyagoo ku sabobaynaya  in   Profeser Axmad inta  aanu ku biirin Xisbiga Kulmiye loo cayimin  Mansabka la siinayo  waxaanay tusaale u soo qaadanayaan in Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii Hore Arimaha Dibada uu Salaanka Siyaasada ku soo koray Xilka Wasiirnimo oo la siiyay iyo balan qaad  Madaxwaynuhu u qaaday in uu Murashax Madaxwyne ka noqon doono Xisbiga Kulmiye. .

Waxaana  hubaala in Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye ay u boratameen in Murashax kastaa helo  Kalsoonida  Proveser Axmad Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Magac iyo Maamuusba ku leh Jaamacadaha Wadanka Maraykan si ay ugu qanciyaan Ra”ayul caamka Bulshada S/land waxaana jiray Xidhiidho iyo Casuumado Murashax kastaa dhankiisa ugu soo bandhigayay in uu helo kalsoonida Proveser Axmad Ismaaciil Samatar ..

Waxaa marag ma doona in Profeser Axmad uu dayacay Fursado badan oo Siyaasiya oo uga banaana Xisbiga Wadani oo Salaanka Siyaasada ku soo fuuli lahaa iyadoo Xisbiga Wadani uga banaanayd mar hadii aanu Xisbiga Wadani Shirwaynihii iyo Shirkii Golaha Dhexe  ..   .

Ugu danbayn Dadka Saadaasha Siyaasada ka faalooda ayaa Aaminsan in Profeser Axmad  Maalmo aan dheerayn Dibada uga soo boodi doono isagoo Aduunka u sheegi doona in Dimuquraadiyadii S/land Jar ka Laad_ laado  Duniduna ay moogan tahay waa Barrito iyo Bill danbe .

WAJAALENEWS STAFF

GABILEY OFFICE

Exit mobile version