WAJAALE NEWS

Madaxwayne Siilaanyo Oo Tahli la,a In uu Soo Buuxiyo Boosaska Masuuliyiintii uu Xilalka Ka Qaaday Ee Wasaarada Boostada Iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Iyo Duruufaha ku Xeeran + Dalabyada Is Diidan!!!

HARGAYSA(Wajaalenews) Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Xilalkii ay Qaranka u hayeen uu ka qaaday wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaadhsiinta oo Xil Ka qaadistiisa uu mataan kula ahaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Madaxweynuhu xil ka qaadistooda Ku Macneeyay xil Amardiido.

Mudo laba bilood ah ayaa ilaa hada ay haawanayaan labadan boos oo muhiim u ahaa habsami u socodka shaqo ee labadan haayadood ee dawliga ah waloow madaxweynaha Somaliland si ku meel gaadh ah  ugu magacaabay in ay u hayaan xilkan labada ku xigeen ayaa hadana sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhaw madaxtooyadu tibaaxeen  in buuxinta labadan boos buuq badan ka dhex abuureen qasriga madaxtooyada ee wadanka looga arimiyo oo sida caadiga ah u kala qaybsan laba qaybood oo kala ah xisbul xaakimka kulmiye hogaankiisa iyo garabka madaxweynaha iyo marwadiisa oo saamayn togan inta badan ku leh shaqsiyaadka ka dhex muuqan doona shaxda isku shaandhayneed ee waqti kasta la samaynayo.

Dhinaca hogaanka Xisbiga  Kulmiye ayaa la sheegay in ay iyagu dabada ka riixayaan shaqsiyaad maslaxad u ah xisbiga Kulmiye halka dhinaca madaxtooyadu ku adkaysanayaan in la sameeyo isku shaandhayn sal balaadh ah oo uu ka muuqdo xubno ku  cusub saaxada siyaasada qaybna ay ka yihiin labadan boos,

Balse dadka siyaasada falanqeeya ayaa iyagu farta ku fiiqaya in ay aad suuro gal u tahay In arintan u kala qaybiso labada is huwanta ah ee xisbiga iyo xukuumadaba ah oo inta badan ay suuragalnimadeeda ay fileyeen bulshada Somaliland.

waana ta maanta keentay ilaa hada madaxweynaha Somaliland tahli kari waayo inuu buuxiyo labadan boos ee mudada dheer haawanaya.  

Exit mobile version