WAJAALE NEWS

Dalka Britain oo ka Baxay Midowga Yurub iyo Raysal wasaare David Cameron oo ku Dhawaaqay in uu is Casilayo .

UK(Wajaalenews) Iyadoo ay Weli socoto tirinta codadka  maalintii shalay ay u dareereen Shacabka UK taas oo ay go’aan kaga gaadhayaan In Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ama ay ka baxdo  ayaa ilaa hadda waxa ku horeeya oo hogaaminaya Kooxda u Ololaynaysa in Uk ay ka baxdo Xubinimada Midowga Yurub.

Waxa ilaa hadda Cocadka La Tiriyay ay haystaan  52% halka Dadka u ololaynaya In  ay Yurub ka sii mid ahaadaan ay haystaan 48% codadkii la dhiibtay inta la tiriyay.

Ninka Isagu Hogaamiya Xisbiga UK Independenta Party  oo taageersanaa in in Briti ay midowga Yurub ay ka Baxdo  Nigel Farage oo meel fagaaraha kala hadlay shacabka ayaa ku dhawaaqay in ay guulaysteen waxana uu ugu baaqayay Raysal waasaaraha Ingiriiska David Cameron in uu si deg deg ah isu casilo.

Ilaa Iyo hadda wax hadal kama soo bixin siyaasiyiinta u ololeeya in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub oo uu ku jiro Raysal wasaaraha dalku

Codayntan ayaa  Saaayn weyn waxa ay ku yeelanaysaa  Arrimha  dadka soo galootiga, ammaanka , siyaasada iyo dhaqaalaha Britain ee mustaqbalka.

sidoo kale Raysal wasaare dalka britain ayaa ku dhawaaqay inuu iscailayo

Raysal wasaaraha UK David Cameron ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilka raysal wasaaraha marka la gaadho bisha October ee sannadkan.

Go’aankan ayaa ka danbeeyay kadib markii Aftidii la qaaday maalintii shalay ay shacabka Britain intooda badan ay u codeeyeen in ay iskaga baxaan xubinimada Midowga Yurub.

Cameron ayaa sheegay in dalku u haaban yahay Captan cusub kaas oo aaminsan go’aan ay maanta gaadheen shacabkiisu.

Cameron ayaa si weyn ugu ololaynayay in UK aanay ka bixin Midowga Yurub inkasta oo laga guulaystay.

Ka Bixitaanka UK ee Midowga Yurub ayaa durbaba waxa ay saamay ku yeelatay qiimaha lacagta waddankaasi oo hoos u dhacday.

 

Exit mobile version