WAJAALE NEWS

DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada oo Sharci Daro ku Tilmaamay Magacaabista Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ee Kulmiye Muxuuse ka Yidhi Maalgashiga Dekada Berbera?

Hargeysa (Wajaale News) Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sharci daro ku tilmaamay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo guddoomiye Muuse Biixi shalay u magacaabay.

Xirsi waxaa uu sheegay in aanu Waabeeye Xisbiga Ka bixin ee uu ka mid yahay isbahaysigii Kulmiye balse go’aan Xisbiga lagaga saaray aanu ahayn mid waafaqsan sharciga Kulmiye“Waa sharci daro”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee madaxtooyada oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wasiir Xirsi waxaa uu sidoo kale ka hadlay warar sheegaya in Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka baxay isbahaysigii Kulmiye lana heshiinayo Guddoomiye Muuse Biixi.“Cabdicasiis Samaale Haduu Kulmiye Raaco iyo haduu Waddani raacaba xorbuu siyaasadiisa u yahay laakiin annaga waa saaxiibkayo”ayuu yidhi Xirsi.

Waxaanu intaasi kudaray“Wadahadaladii naga dhaxeeyay Waddani way socdaan markay soo baxaana saddexda xisbi kaanu ku biirayno waanu sheegi doonaa”.

 Wasiir Xirsi waxaa uu soo dhaweeyay Maalgalinta Dekada Berbera waxaanu yidhi “Heshiiska Berbera ee lasoo galay Comment ka bixin mayo waayo maan arag, laakiin in dakadeena Berbera in la dhiso oo la horumariyo lana maalgaliyo waan aaminsanahay”

https://youtu.be/URhYTwTgsg4

 

 

Exit mobile version