WAJAALE NEWS

Cadaladu Waa Dalayada La Hoos Galo Laguna Raxaysto IF Iyo Aakhiraba.

Umadu islamku waxay uga fadli badan tahay Umadi inaga horreyey inaga awood badna dhinac walba waa isu sheega wixii khayr ku jiro

Assallamu A Warahmatullahi Wabrakatuhu .
Mamulka dalku waxa saaran xil umadeed oo culus oo amaaanah ah lagu
aaminay dal , dad ku nool oo xisabateedu culus tahay , haday ka door
bideen dan gaar ah , dan shakhsi , qabiil , iwm waa arrin aad u
dhibian oo cawqaibkeedu shar yahay . Dulmi lagu dhaqmo , qabiil
eexasho , reer , dad gaar ah dal laguma mamuli karo , waqtigeeduna ma
raagto , ta AAkhirana ciqabteedana ka daran ta addunka . Hadii dalki
lagu mamulay cadalad daro , qaado , boob xoolihi Umada , dhulka
dawlada la qaybiyey , la iibiyey , meelihi dawalda la xarashay dad
gaar ah la siiyey , cawaqibkeedu ma hadhasa Ifka ? Maya

, waa bar
madow oo ku shanbadaysan mamulka dalka . Umadu islamku waxay uga
fadli badan tahay Umadi inaga horreyey inaga awood badna dhinac walba
waa isu sheega wixii khayr ku jiro , dantu ku jirto , wanaagu ku jiro
, xumantana layska qabto , haddi qofki , dadku wax u sheegaan dawlada
, waxa saxa la tusa , dulmiga loo sheego in loogu jawabo xoog
dawladeed , xoogi dalka meesha ma taalo . Waana xukun qaloocan oo
haboon in la tusiyo . Ma ah sidii Faqashti dadka loola dhaqmo , dumar
, caruur , wayeel ,Iwm lagu weeraro ciidamo awood leh loogu talo galay
sugida amaanka dalka . Waana ayaan daro in dalki lagu burburiyo
gacanta mamulka iyaguna isu haystaan inay sax yihiin . Hadi damiirku
wax qaban waayo , diinti la baal maro , dharti la dhartay la ixtrami
waayo , cawqibkeedu waa la arka dhawaan iyo mid fogba . Alhuma balaqtu
, mamulka dalka waxa lo sheegaya in khatimada ay khayr ku khatiman ,
waqtigooduna dhaw yahay . Illahay Subhanu Wataala waa qafoor , rahiim
, tawbada ka aqbala adoomihiisa wax walba oo danbi ah ka dhaafa ,
shiriga mooye iyo xaqu naas oo laga dhafin . Marka dib ha isgu noqdaan
tawbada Eebe ha dalbadaan , sidi xaqa naaaskana loo soo celin lahaa ay
galaan , taariihkndana ka galan meel lagu xusi karo wanaag iyo khayr ,
boga sharkana ku bedelan bog khayr leh . Bini adamku kama dhergo
aduunka ila qabiriga la dhigo oo ciida ka dhargo waana sunaha nolosha
loona bahan yahay in qanaacada lagu dabro nafta oo kahyrka kula
ogoleen , kuuna sheegaysa in aad kordhisid awoodada dhaqaale si aad ku
nolatid , nolol wacan , Iwm . Lana ilabay in Yar mooye oo Illahay ka
cabsanaysa in lagu waarayo dadaalka aduun iyo in lagula xisabtamyo If
iyo Aakhiraba . Alhuma na tus , wanaaga , dariiqa toosan nagu hage ,
dalimiinta naga qabo , Wadirb Aldalim bidalim , Wajcalna mina salimin
. Alhuma abcad asxab alsharar min biladina wajcal kaydahum fi
nuxurihim .Warxamana biraxmatik yaa Arxama Alraximiin .
Amiin.
Waa
Ibrahim H Elmi

Exit mobile version