WAJAALE NEWS

Hormoodkeenu Ma Sidanbaa? Qalinka Cabdilaahi Beershiya

Waxay ahayd tobankii habeenimo oo ku beegnayd habeen khamiisi soo gelyso bishuna tahay 11/08/2016, waxa telafoonka igu soo garaacay nin aanu saaxiib nahay oo wasaarada waxbarashada ka sheqeeya oo ii sheegay in maalinta beri ah la soo dhejinayo natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee 2015/2016.

Isla markiiba waxa aan la ballamay niman aanu saaxiibo nahay oo aanu ka wada shaqayno qaar ka mid ah goobaha waxbarashada si aanu uga qayb galno xafladaasi lagu shaacinayey natiijada imtixaanka.

Waxa aanu ku ballanay in aanu xafiiska tagno sagaalka subaxnimo oo ku beegnaa amintii la noogu sheegay inay tahay waqtiga la isku imanayo, had iyo jeer waxa dhaqan iska noqotay in barxada hore ee xafiiska imtixaanaadka ku soo ururaan dad dhego-dhegeynaya natiijada imtixaanka oo caruuri ugu jirtay amma qaar ka mid ah ardeydii imtiaanka gashay oo cabsida u leeyahay dartii ku sugi kari waayey natiijadoodii goobihii dugsiyadoodu ku yaaleen.

Waxa isla barxadaa buuxiya gawaadhi tiro badan oo hawl-wadeenada wasaarada, xafiiska imtixaanaadka, maamulayaasha iyo dadka kale ee goobta isku yimmi wataan, kuwaas oo muujinaya inuu jiro kobac dhinaca dhaqaalaha ah, waayo waxa an xasuustaa xilligii aanu dugsiyada dhexe amma sare ku jirney in maamuluhu marka u wasaarada natiijo imtixaan ka soo qaadayo uu u lugayn jirey amma bas uu raaci jirey dabadeedna u soo noqon jirey isagoo dhididsan amma daal ka muuqdo, halka imika maamuluhu kaga tegeyo isagoo gaadhi wata amma gaadhi lagu sido.

Cabaaro tobankii subaxnimo ayaanu galnay goobta imtixaanka lagu shaacinayey oo ahaa mid ka mid ah hoolalka shirarka ee xafiska imtixaanaadka, waxay ahayd madal kulmisay madaxdii dawada ee arrintani khuseysay, maamulayaashii iyo saxaafadii dalka oo tiro badan, ileyn Somali iyo nidaam waynu naqaanaa halka ay kala taagan yihiine’ isla markiiba waxa bilawday sawaxan badan oo lumiyey kala dambeynta iyo degenaanshaha.

Waxaad maqlaysa dadka qaar ku leh saxaafada hadalo taag-taagan markay isku gedaameen goobtii wasiirku fadhiyey iyaga oo ku leh; “Meesha iskaga dhaqaaqa ma idinkaanu idin daawanaa” iyo qaar ka mid ah saxaafada oo iyaguna ugu jawaabaya hadalo ay ka mid yihiin; “Waar meesha iska fadhiya hadaad doonaysaan inaad wax dehegeystaan haddii kale iskaga baxa”.

Waxaan la yaabay labaataneeye wariye oo dadkii kuraasida ku fadhiyey ka qariyey meeshay wax ka dhegeysanayeen oo karayey inay makarafoonada iyo kamarada intay si fiican u rakibtaan inay dhinac u joogsadaan, waxa ka daran telefoonada dhacaya ee dadku doonayaan inay natiijo ku ogaadaan oo sawaxankoodu ciidda ka batay, waxa ka sii yaab badan in qaar badan oo dadkaasi ka mid ah jawaabta ay telefoonka ka bixinayaan kor loo maqlayo…. Waxaad maqlaysaa iyaga oo leh; “Waar wasiirkii ayaa hadalkii nagu dheereeyey ee na sug, wali waxba lama yeedhin oo hadal ayey wadaane’ IWm.

Waxaan aad ula fajacay markii u hadalka bilaabay mid ka mid ah masuuliyiinta wasaarada waxbarashada oo aan filayo inuu ahaa Wasiiru-dawlaha oo intii uu ku gudo jiray hordhicii hadalkiisa mid ka mid ah dadkii goobta fadhiyey uu yidhi isaga oo qaylinaya oo aan u malaynayo inuu maamule amma macallin ahaa.. “Dee yaa ku Maqlayaba kor u hadal.. miyuu xanuunsanayaa qofku iyo ereyo kale oo gef ah oo aan meesha qaban.

Dadka meesha isku yimmi waxay ahaayeen hormoodkii waxbarashada laakiin nasiib daro intooda badan waxa ka muuqatay inay u eekaayeen siddii dadka suuq ka sheqeeya ee aan waxbarasho waligood arag, sababta oo ah waxa in badan lagu daalayey in la aamusiiyo si loo maqlo hadallada masuliyiinta dabadeed waxa lumayey kala dambeynta, is dhegeysiga iyo nidaamka.

Goobta lagu qabtay kullanku waxay ahayd goob dadka kufilnaan karaysay haddii la habeeyo, laakiin dadku way iska taagnaayeen, saxaafadu waxay qarisay halkii masuuliyiintu ka hadlayeen oo maamulayaashu hadalka oo keliya ayaa soo gaadhayey, masuuliyiintu goobta ay fadhiyaan oo saxaafadu hadhaysay ayey ka hadlayeen oo may jirin meel loo kacayey oo masuulku istaagayey.

Waxa intaas oodhan ka daran markii natiijada imtixaanka ay qaadanayeen maamulayaashu mid kastaa wuxuu doonayey inuu noqdo ka ugu horeeya iyaga oo boqolaal qof ah, dabadeed waxay u eekaayeen siddii dad meel boobaya.

Waxayaabahaas oo dhammi waxay madhalays ka dhigayaan dedaalkii loo geli lahaa in la helo qaran toosan oo ku fiican nidaamka iyo habsami u socodka nolosha, marka aad arrimmahaas iyo kuwa ka jira xisbiyada iyo goobaha ay ku kulmaan dadka isku dhiga hormoodka ummadu ayeynu dareemaynaa inaynu meel kasta oo la ina taabbtaaba ay xanuunsanayso.……..hadda aniguba waxan ku jiraa maamulayaashaas oo iskama saarayo.

Exit mobile version