Nuxurka Warbixin Is Macnaysay Oo Suxufi Caan Ahi Kaga Faallooday Sooyaalka JSL Iyo Mahadh-dhooyinka Dabaal-deggii Sanadkan Lagu Muunneeyey Qaddiyada 25 Jirsatay
Hargeysa (Wajaalenews)- -Suxufiga la yidhaahdo James Jeffrey oo ka mid ahaa suxufiyiintii warbaahinta caalamiga ahayd ee ka soo qeyb gashay munaasibaddii 25 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin ku faah-faahiyay waxyaabihii Somaliland u tisqaaday rubuc qarnigii ay xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya iyo siday beesha caalamku uga dhego adaygeen inay Somaliland kala shaqeeyaan aqoonsi dublamaasiyadeed oo ay ka hesho adduun-weynaha. Warbixintan oo ciwaannadeeda ay ka mid ahayd “Jamhuuriyad u halgamaysa inay Lagu Abaaliyo Waxqabsigeeda.” Waxa suxufigani ku daabacay majallad la yidhaahdo Foreign affairs oo ku taalla Maraykanka, qoraalka weriyaha oo aad u dheeraa waxa soo akhriyay ka dibna warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha guud ee DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxaanay u qornayd sidan:-
“Todobaadkii hore waxa Somaliland looga dabaal degay munaasibadda 25 guurrada ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay dib ula soo noqdeen madax-banaanidoodii, waxaana lagu qabtay caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka xaflado waaweyn oo dadka reer Somaliland iskugu soo baxeen.
Dawlad kaliya oo aqoonsatay Somaliland ma jirto illaa intii madax-banaanidoodii kala soo noqdeen Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaanay dadka Somaliland kuu sheegayaan inaanay dhibaato lahayn in wali qadiyadooda aanay cid qudhi dhegaysan. Beesha caalamku waxay balan qaaday inaanay aqoonsanaynin illaa midowga afrika tallaabadaas qaadaan.
Maxay Iyagu qabsadeen:
Rubuc qarnigii ay ku naaloonaysay madax-banaanideeda, waxay samaysatay Somaliland lacag iyo baasaboor gaar ah, waxa kale oo ay leeyihiin xoogagii booliska iyo ciidanka Milatariga oo aanay lahayn Soomaaliya. Dariiqyadda Somaliland waxa gacanta ku haysa dawladooda dhexe oo shaqaynaysa. Illaa 2003-dii waxay qabsadeen doorashooyin is daba joog ahaa oo dimuqraadi ah oo awooda lagula kala wareegay, waxaanay muujiyeen qaan-gaadhnimo siyaasadeed oo dalal kale oo Afrikaan ah oo xornimadooda haystay konton sannadood aanay hirgelin.
Dhaqaalahooda oo nugul awgeed, waxay ka helaan muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dibadaha hal bilyan oo Doolar sannadkii,waxa kale oo badhi-taara ganacsiga xoolahooda iyo kuwa dalalka la dariska ah laga keenno, suurtogal uma ah inay la macaamilaan baanka adduunka. Dawladda Hargeysa waxay leedahay miisaaniyad yar oo xadigeedu yahay $250 Milyan oo Doolar sannadkii, waxa kale oo ay ku tiirsan tahay kaalmada ay ka hesho hay’adaha samo-falka. Saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta Somaliland ayaa ah mid baahsan, kumanaan rag ah ayaa fadhiista jidadka iyagoo cabaya shaah Soomaaliga macaan, isla markaana raamsanaya qaadka si ay wakhtiga iskugu dhaafiyaan, iyagoo aan raadsan karin wax shaqo ah, camal la’aantu waxay ku laxaadsatay dadka dhalinyarrada ah oo ay nugleysay.
Halkee Baynu Halkan uga dhaqaaqnaa?
Dadka Somaliland waxay yaqiinsan yihiin in dalkoodu u baahan yahay inuu helo dhaqaale kala duwan oo lagaga shaqeeyo horumarinta iyo fursadaha shaqooyinka. “Waxaanu samaynay wax kasta oo wanaagsan oo reer galbeedku ku wacdiyaan bulshooyinka, balse waxba nooma ay soo kordhin,”ayuu ii sheegay, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mr. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, waxaanu intaas ku ladhy “Dalkani (Somaliland) waa mid soo kabanaya oo ku socda isku tiirsanaanta iyo iskaashiga dadkiisa, mana nihin kuwo wax la siiyo uun ku tiirsan ee waxaanu nahay kuwo iyaguna wax qabsanaya.”. “Aqoonsi raadintu waxay noqotay mowqifka joogtadda ah ee dooda siyaasadeed ee Somaliland ugu muhiimsan,”sidaasna waxa sheegtay Raaqiya Oomaar, oo ah qareen iyo Guddoomiyaha Horizon Institute oo ah shirkad la tallineed oo ka shaqeysa hagaajinta awooda isku tiirsanaanta laamaha dawliga ah. Somaliland waxay istaahishaa in lagu abaal mariyo waxqabsigeeda ay ku taabo-gelisay nabad-gelyo buuxda, dimuqraadiyad iyo dawlad shaqeynaysa 25-kii sannadood ee la soo dhaafay ama haddii si kale loo yidhaahdo rubuc qarnigii ay madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya oo ay bariinsadeen dagaalo riiq dheeraaday.”