WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ma Dawlad kale Oo Tan Madaxweyne Siilaanyo Aan Ahayn Ayuu U Shaqeeyaa?

Tan iyo safarkii Madaxweyne Siilaanyo kaga qayb gelay  caleemo saarkii Madaxweynaha Djibuuti oo dadka badankoodu dhaliileen hab maamuuskii lagu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan goobtii la fadhiisay oo dadka dhaliilahan soo jeediyay ay arkeen meel aan maqaam ahaan ku haboonayn, dhaliilahaas oo qaarkood xambaarsanaayeen aflagaadooyin waxaa si buuxda raaligelin iga bixiyay Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JSL iyo xubno kale oo fara badan ka mid ah sulaadiinta dhaqanka JSL

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mr. Ramaax waxaa ka mid yahay masuuliyiinta xilka ka haya Xukuumada Siilaanyo ee sida weyn u dhaliilay Dawlada Djibuuti oo ku tilmaamay cadawga Somaliland

Inkasta oo xukuumada oo ka mid yahay Gudoomiye Ramaax ay raaligelin ka bixisay hadana Gudoomiye Ramaax waxaa weli sii wadaa dhaliilihiisi ka dhanka ahaa Dawlada Djibouti

Hadaba Su’aasha dadka arimaha siyaasada u dhuun daloola ay is weydiinayaan waxay tahay

  1. Gudoomiye Ramaax ma waxa uu ka mid yahay oo u shaqeeya xukuumad aan ahayn tan Madaxeeyne Siilaanyo oo uu siyaasadeeda iyo afkaarteeda fulinayaa?

Mise xaalkiisu waa Daayeer dhici waayay laan buu haystaa

 

Qalinkii Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Talyaani)

Exit mobile version