Hargaisa(wajaalenews)Guddida diwaan gelinta ururada siyaasada somaliland ayaa qoraal ay soo saareen waxay fariin ugu direen labada dhinac ee isku haya xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.
Guddida diwaan gelinta ururada siyaasada somaliland ayaa qoraalka ay soo saareen oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha guddidaasi Cabdirisaaq Ciyaale waxay ugu baaqeen labada dhinac ee isku haya xisbiga mucaaridka ah ee Ucid inay joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay isku marinayaan warbaahinta, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan “ Waxa laydin farayaa inta dacwadiina guddida go,aan ka gaadhayso inaad joojisaan dacaayadaha aad isku marinaysaan warbaahinta ee ku saabsan khilaafkiina iyo inaydaan qaadin wax talaabooyin ah oo sii hurinaya khilaafkiina