WAJAALE NEWS

DAAWO: Taliye ku-xigeenka Booliiska Ee Gobolka Saaxil oo ka hadlay Qaabkii Uu u Dhacay Askari Ka Mid Ahaa Ilaalada Maayarka Berbera Oo La Dilay,

Berbera (Wajaalenews) – Alle ha U Naxariistee Waxa Saaka Magaalada Berbera lagu dilay Askari ka mid ahaa Ilaalada Gaarka ah ee Maayarka Magaaladaasi Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin).

Askariga Ilaalada u ahaa Maayarka Berbera, ayaa waxa toogtay Qof lagu sheegay inuu ahaa Rayid ahaa, kaasi oo Ciidamada Ammaanku Markii dambe Gacanta ku soo dhigeen.

Taliye ku-xigeenka Booliiska ee Gobolka Saaxil oo dilka ka dib Shir-jaraa’id ku qabtay Berbera, ayaa sheegay in Askariga ilaalada ahaa ee la dilay uu Magaciisu yahay Cabdi Ismaaciil Muxumed, halka Ninka dilka geystayna magaciisa ku sheegay Naasir Jaamac Guuleed (Diix).

https://youtu.be/k-oYgjOMdho

Taliye ku-xigeenka Boolisku wuxuu sheegay in Ninka Dilka geystay uu muran dhul ka dhexeeyay Marxuumka.

Exit mobile version