Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku kulmay Ankara iyo magacyada xubnaha Somaliland u matalaya.
ANKARA(Wajaalenews) Dawlada turkiga ayaa wali ka quusan wadahadaladii ay dhex waday dawlada somaliya iyo somaliland kaasi oo dhawr jeer burburay xukuumada somaliandna ku dhawaaqay in ay joojisay walow hadana kolba si hoose u tagayso,
Xogaha laga helayo shirkan ayaa tibaaxay in ay dalka turkiga ku sugan yihii laba wafti oo ka kala socda somaliland iyo somaliya oo ay kala hogaaminayaan Wasiirka Arimaha dibada somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya
Xubnahan ayaan iyagu ka dhex muuqan shirkan labada cisho uga socday waxa loogu yeedhay Aqoonyahanka Somaliyeed,
balse xaga danbe ka hagaya qorshayasha ka socda madashan.
Halka lagu sheegay in ay kulmeen aqoonyahan somaliyeen oo ka kala socday somaliya iyo somaliland,
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku kulmay Ankara ka dib markii ay martiqaadday Xarunta Daraasaadka Siyaadaha Dibadda iyo Cilmi-baarista ee Mu’asasada Nabadda.
Waxay ka wadahadleen taariikda kala duwanaashaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Laba maalmood oo doodo ah oo dhacay 19-20 April, kooxdu waxay isla eegeen walaaca iyo doonista ka jirta xaaladda hadda taagan, iyada oo ay goobjoog ahaayeen aqoonyahanno Turki ah.
Waxay is weydaarasadeen afkaar iyo fursadaha Somaliland iyo Soomaaliya ee ay aqoonyahannadu iska kaashan karaan.
Somaliland waxaa ka socday Dr. Xuseen Bulxan,
Maxamuud Xaamud
Xasan Khaliif.
Halka ay Dhinaca Soomaaliya ka socdeen,
Prof Xuseen Warsame,
Dr. Maxamed Shiikh Cali
Yusuf-Garaad.
waxaana shirkan goob joog ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Turkiga ee wadahadallada Somaaliya Iyo Somaliland, Danjire Ahmed Riza Demirer.