WAJAALE NEWS

Siciid Cali Muuse Wuxu La Coloobay Warbaahintii Uu Kusoo Caanamaalay Markii Uu Kharashkii Wacyigalinta Jeebka Ku Hubsadey

Wuxu Siiyay Wacyigalintii Badhan Ee Diiwaangalinta Niman Reer Ceerigaabo ah Maxaa Dhacey?

Hargeysa(Wajaalenews)-Siciid Cali Muuse oo xiligan ah Afhayeenka Gudida Komishanka Doorasooyinka Qaranka Islamrakaana,ah Lataliyaha khaaska ah ee dhegta Gudoomiyaha Komishanka gacantiisa ku haysta, Jeebkana gashadey Cabdiqaadir Iimaan wuxu   kamid yahey dadka inta aan Aqoonta ulaheyni sida Weyn u tuhmaan maadaama oo uu mudo badan dadka Soomaalida ah oo aan Warbaahin kale laheyn kasoo shaqeeyay Idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee BBC da waxa dad badan oo yaqaanaa kaga duwan yihiin inta dhageysatey Codkiisa iyo warkiisa oo kaliya waxa uu galo iyo waxa uu gudo shakhsi ahaan isagoo hadba caqligiisu ku siman inta calooshiisu sido, xaqiiq ahaan ma aha Shakhsiyad garan kara marxalada dadku marayo maanta in laga soo gudbey waayo badan oo cunaqabteyn iyo Gumeysigii uu ku barbaarey la fac ahaa oo ninka wax haysta ee illaahay wax siiyay ka faro madhan ee walaalkiis ah la yaabi jirey kuna qosli jirey sida uu Siciid Cali Muuse mudo badan kusoo jirey ..

Kolay iyo kolay Qof kasta oo Bulshadu tuhun weyn ka qabto Magaciisana layaqaan waa daruuri in la xuso ficiladiisa cakiran ka hor inta aanu fashilmin walow Siciid Cali Muuse durtadiiba hada laga arkey ficilo badan oo ay u xanqarin jireen Ruugcadaaya badan oo ay kasoo wada shaqeeyeen Idaacada Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda hadana waxa soo baxey mudooyinkan dambe dhaliilihiisa caqliyada ku dhisan kuwaas oo aan badankeedu ceebtoodii dibada usoo bixin waxeynu kor ka xaadis ka qaadan doonaa Mawduuca Wacyigalinta Gobolka Badhan ee uu Mashruuc ahaan ku siiyay Rag kasoo jeeda Degmada Ceerigaabo talaabadaas oo ay khasaaraheedu saamayn badan ku yeelatey khasaarena ka dhalisey dedaalkii ay hore uga galeen Komishan ahaan Sanaag/Bari oo ay degmooyin badan kasoo mareen laguna soo dhaweeyay iyagoo Bulshada deeganadaasi ka dhaadhiciyey in doorashooyinka oo lagu qabto ama ku qabsoomaa ay dan u tahey Shakhsiyaad badan oo kasoo jeeda Sanaag/Bari oo wax la qeybsada Somaliland inteeda kale balse taasi xiniinyo taabasho noqotey markii Siciid Cali Muuse fogeeyay, arimaha kale ee sida gaarka ah loogu tilmaamo waxa kamid ah sida dhakhsaha badan ee uu ula coloobay Warbaahintii uu kusoo caanamaaley kadib markii uu Jeebka ku hubsadey kharashaadkii Wacyigalinta oo isaga loo dhiibay……………………

.Lasoco Sooyaalkiisa hore iyo raadadkiisa madow

Exit mobile version