WAJAALE NEWS

Shacabka Somaliland Wuxuu U Baahan Yahay In Ay Doortaan Halgamaa Samo Talisa, Hogaamiye, Hal,adayg Iyo Hawlkarnimo lagu yaqaano

Daljir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha

Nin daneeya baahida dalkoo danaha guud eega

Nin daryeela maatada dadkoo dayrin noloshooda

Duunyada kuwaa raacayee duurka badi jooga

Nin duleedka dooxyada u mara dhaamam uga dayra

Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya

Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya

Dulmanaha dhamaantii ninkii ugu dacwoonaaya

Danyartiyo agoomaha ninkii ugu dadaalaaya

Ducadiisa ninuu eebahay deeqo nagu siiyo

Deeqdaadu eebow aday dunida gaadhaaye

Dulqaadkaaga eebow adaa lagu dakeeyaaye

Dookhaaga eebow adaan cidina diidayne

Noo door Allahayow adaan kaa dalbanayaaye

Dagmo quruxsan eebow na gee labada daaroodba

Gabaygii Duco, Erayadii iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle.

Waa mar kale iyo qormo loogu  wan qalay warsan iyo weedhsan,  Sidoo kale waa qormo bulsho waynta S/land si guud mara ugu iftiimin doono Sooyaalka Halgameed iyo Siyaasadeed  ee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyadoo aan qormo kaliya lagu soo koobi karayn Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan DiiwaankaTaariikheedka iyo kaalmihii uu ku lahaa  halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd  , nabadayntii bulsho waynta S/land uu colaadaha  kala dhex dhigay Taliskii Siyaad Bare , yagleelkii hanaanka dawladnimo, iyo dib u dhiskii dalka , Sidoo kale  waa kalmado ku haboon oo diirada  saari doonta kaalintii  MUJ Muuse Biixi Cabdi ku lahaa  halgankii dib u xoraynta Qaran,ee SNM hormoodka ka ahayd   iyada oo aan si gaara farta ugu fiiqi doono kartidii iyo  kalsoonodii uu muujiyay  uguna soo dhabar adaygay dhibtii iyo hadimooyinkii uu kala kulmi jiray Qaramayntii Ciidamadii Jabhada S/N/M ee wadooyinka  taaganaa isagoo waqtigaas  ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xukuumadii Madaxwayne Cigaal oo taariikhdu ka marag kacayso in ay dal iyo dad burburay ka yagleeshay dawlad aanay cidina taageerin .

Hadaba Akhriste waxaan Bulsho waynta S/land  ugu iftiimin doonaa halgamaa samo talis ah, milgihii iyo maamuustii hogaamiyana leh.

Muj. Muuse Biixi wuxuu safka hore kaga jiraaa saraakiishii ugu horaysay ee bilawgii sideetamaadkii qarnigii hore go,aansaday inay hogaanka u qabtaan ciidamadii SNM ee ku sugnaa gudaha Dalka Ethiopia.

Waxayna taariikhdu ka marag kacaysaa in Mujaahid Muuse Biixi kaalin mug leh ku lahaa, halgankii dibuxoraynta qaran ee ay SNM hormoodka ka ahayd. Sidoo kale waxuu gudoomiye MUJ Muuse Biixi Cabdi waxuu safka kaga jiraa saraakiishii milatariga ahayd ee looga maarmi jirin dhinaca hogaaminta gorfaynta talooyinka go”aamada kama dambaysta ah iyadoo aan marag uga dhigayno Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi  in uu   gudoominayay shirkii ee Ururkii SNM qabsado ee ka dhacay deegaanka Balay Gubadle  laguna soo doortay Madaxwaynihii ugu horeeyay ee S/land yeelato Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(Tuur) mudadii uu shirka hagayayna waxaa lagu xasuustaa Hal adayg ,Hawlkarnimo, iyo Hogaamin .

Sidoo kale Gud. Biixi wuxuu kaalin mugleh ku lahaa heshiisiinta iyo midaynta xoogagii SNM, waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa inuu yahay halgamaa samo talisa.

Sidoo kale waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Muj. Muuse Biixi  uu yahay shaqsiyad karti badan  una dhabar adaygo mar xaladaha kala duwan ee uu soo maro , Sidoo kale waxuu u dhabar adaygay  waayihii adkaa ee dalkiisa iyo dadkiisu soo mareen.

Sidoo kale muj.Muuse Bixi waa hogaamiye wadaniya wadankiisana jecel jinsiyad kalena aan haysan  iyada oo aan marag uga dhigayo habka nololeed ee uu u raadiyo nolosha qoyskiisa.

Waa hogaamiye Beeralay ah tacabka iyo wax soo saarkana jecel, waa hogaamiye aan jeclaysan inuu ku noolaado qurbaha, waa hogaamiye rabi waafajiyay in aanu waligii isticmaalin balwadaha sida jaadka iyo sigaarka iyo kuwo kaleba.

Aabihii Jamhuuriyada Somaliland Marxuum Cigaal markii  lagu soo doortay Magaalada Boorama sanadkii 1993 ALLE ha u naxariistee wuxuu Gudoomiye Muuse Biixi u magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha, waqtigaas oo uu dalku ku jiray Duruufo qalafsan, Burbur Dhaqan, Burbur  Dhaqaale,Nabadgalyo  daro,iyo Dawlad la,aan, wuxuu Gudoomiye Biixi kaga gudbay Calool adayg Karti, Kalsooni badan,iyo Dhabar adayg Waxaase Akhriste iswaydiin mudan halkay joogeen Raga Maanta kula tartamaya Hogaaminta Dalku?

Waxanay  taariikhdu  xusaysaa  in Xilkii Wasiirka Arimaha Gudaha ee Madaxwayne Cigaal u igmaday   guulo la taaban karo ka soo hooyay  iyadoo taariikhdu ka marag ka kacayso in uu Hormood u ahaa Ducaqabayaashii ku guulaystay Qaramaynta Ciidamadii SNM ee Wadooyinka taagnaa isagoo kaashanaya GUURTIDII IYO WASIIRADII dhigiisa ahaa .

 

Sidoo kale isagoo kaashanaya GUURTIDA IYO MADAXDA kala duwan ee xukuumada Marxuum Cigaal waxuu soo nooleeyay nidaamkii dawladeed waxaanu kaalin mug leh ka qaatay  ururinta Cashuuraha Dawlada Dhexe iyo Dawlada Hoose labadaba.

Sidoo kale isaga oo kaashanaya haayadaha gargaarka wuxuu kaalin mugleh ku lahaaa dib udhiska iyo dayactirka Goobaha Dugsiyada,Saldhigyada, Sariimadaha, Cusbitaalada X/Wasaardaha iyo Kastamada guntii iyo gabagabadii waxaan Qormadan Koowaad ku soo afmeerayaa ma ilaawi karto kamana masaxmi karto maskaxda bulsho waynta S/land.

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle S/land

Sacad-gadhle

La Soco Qormada Labaad Oo Xiiso Badan LehTodobaadka Danbe.

 

Exit mobile version