WAJAALE NEWS

Muuse Biixi Oo Marlabaad Faragalin Qaawan Ula Tagey Saldanada Subeer-Awal Iyo Qorshayaashii Ugu Danbeeyay

Hargeysa(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay, in uu habeen dhawayd  kulan gaar ah kula qaatey guriga uu ka degan yahey Caasimada Hargeysa ninkii uu dhawaan maqaar saarka uga dhigay saldanada Subeer-Awal ee maxlalka ahaa kaas oo uu ku dardaarey in uu ka hadlo arimo ku sahabsan Soomaaliya si uu ugu quja qujeeyo Saldanada Subeer-Awal.

Inkastoo aan cabsi laga qabin Suldaanimada maqaarsaarka ah ee Maxamed Case marka loo eego shakhsiyadiisa ee dhinacyada hadalka(balaaqada),firfircoonaanta iyo arimo badan oo miisaan u yeeli karta taashka beenta ah ee la saarey hadana waxa ay dad badani isweydiinayaan, sababta ilaa iyo hada Muuse Biixi faragalinta qaawan ula daba joogo Saldanada Subeer-Awal taas, oo miisaan badan ka ridey sumcad ahaan iyo taageero ahaanba.

Sikasta oo ay tahey waxa isasoo taraya in faragalinta Muuse Biixi ee Saldanada Subeer-Awal tahey mid shuruud cidi kaga dhigayso oo isla isaga dabada laga wado.

 

 

Exit mobile version