WAJAALE NEWS

Maxaad kala Socotaa Tirada Shaqaalaha Dawlada Ee Tahriibay Mudadii Uu Madaxwayne Silaanyo Xilka Hayay.

‘Dad Cadaalad Wayaa Axmedoow  Sidii Cawsha Kala Yaac”‘

Hargaysa(Wajaalenews) Tan iyo Intii madaxweyne Silaanyo qabtay Talada Dalka waxaa wax wayni iska badalay heerka nololeed iyo bulsho waynta ku dhaqan Somaliland iyada oo si tartiib tartiib ah u sii adkaanasay nolosha caadiga ah ee ay ku sugnaayeen bulshadu marka loo eego xiliyadii maamuladii hore,waxaanay tani si toos ah u saamaysay dhalinta ubaxa dalka ah.

Sidoo kale waxaa mudadii uu madaxwayne siilaanyo xilka hayay kor ku kacday adeegsiga qabyaalada, iyo dhiiri galinta qurba jooga oo iyagu noqday cida kaliya ee lagu tixgaliyo dalka lugana taxay xilalkii qaranka min wasiir ilaa AGaasime waaxeedyo taasi oo shacabka somaliland gaar ahaan dhalinyarada tustay in  tahriibaha maantu yahay qurba jooga bari ismarkaana uu si dhib yar  ku helayo mansabyada dalka iyo ixtiraab loo hayo.

 

Qodobadaa aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kaleba waxay sii xoojisay korna  u qaaday tirada dhalin yarada ka haajiraysa dalka iyaga maraya nidaam tahriib oo kakan si ay u helaan nolol miisaaman sida Cadaalad,caafimaad,waxbarasho iyo kaabayaashii nololeed ee aasaasiga waxaanay gaadhay tahriibtu mudadii Silaanyo xilka hayay heer ay tahriibaan shaqaalaha dawladu oo ay ku jiraan qaar xilal fiican ka hayay dawlada khaasatan shaqaale agaasime waaxeedyo,iyo boosas kale oo muhiim ahaa  taasi oo u quus goysay cid kasta oo hunguri ka hayay balankii madaxweyne Silaanyo u qaaday shacabkiisa xiligii baahidu u haysay inay u codeeyaan.

Dhanka kale waxaa xusid mudan halka ay ka tahriibeen dhalinyaradii shaqada haystay iyagoo xamili kari waayay caadiska iyo eexda qabiil ee masuuliyiinta madaxwayne siilaanyo xilalka u magacabay la dhex tageen haayadaha dawlada sidee ayay shaqo uga raadsan karaan kumaanka kale ee iyagu jaamacadaa kasoo baxay habeen iyo dharaarna ku hawlan sidii ay shaqo u heli lahaayeen iyagoo aroorkasta eega jaraa,idka boosas shaqo oo lagu soo xayaysiiay ismarkaana marwalba imtixaan ugala shaqo xili hore si hoose qabiil loogu qaybsaday.

Hadaba waxa aan halkan idiin ku soo gudbinaynaa liiska shaqaalaha dawlada ee tahriibay mudadii uu xilka hayay madaxweyne silaanyo iyo wasaaradaha ay katirsanaayeen,

 

Wasaarada Waxbarashada

Wasaarada Maaliyada

Wasaarada Warfaafinta

Wasaarada Qorshaynta

Wasaarada Arimaha Gudaha

Wasaarada Duulista Iyo Hawada

Wasaarada Macdanta iyo Tamarta.

Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

 Sidoo kale waxaa iyaguna jira shaqaale tiro badan oo kamid ahaa haayadaha dawlada oo tahriibay

FM Waxaanu qormadeena qormada xigta indiinku soo gudbin doonaa tirada guud ee shaqaalaha dawlada  ee tahriibay iyo magacyadooda + wasaaradaha ay ka kala titsanayaan iyo booska ay ka hayeen

sidoo kale waxaan idiin soo bandhigi doonaa sobobaha ku kalifay in Ay naftooda haligaan ,

 

 

Exit mobile version