Wadooyinka halbawalaha u ah caasimada Magaalada Hargaisa ayaa abaaro maanta 12:45 pm(kowdii oo rubuc la) xanibnaa ka dib markii ciidan tiro badan la dhigay isgoysyada iyo marinada halbawlaha u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha taasi ayaa keentay in ay xanibmaan dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargaisa dabcan saacadan oo ahayd saacadaha ay rawaxaan shaqaalaha iyo ardayda aada goobaha waxbarashada.
Dhacdadan ayaa ka danbaysay ka dib markii wafti uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud Siilaanyo ay ka soo kicitimeen magaalada Gabilay Taas Oo sida la sheegay amar lagu siiyay hogaanada ciidamada booliska in ay sii xidhaan dhamaan is goysyada magaalada Hargaisa gaar ahaan kuwa galbeedka Magaalada.
Saacadahan oo ku beegnaa xiliyada laga soo dareero iskuulaadka iyo goobaha shaqada oo xanibaad saacado ah la kulmay ayaa fajiciso ku noqotay dadweynaha ku dhaqan caasimada oo si wayn u hadal hayay.
Madaxweyne Silaanyo ayaa xiligii uu ololaha xisbiga Kulmiye ku jiray inta badan ku dhaliili jiray madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin in uu ciidan badan iyo qafqaf badan ku dhex maro suuqyada magaalada iyada oo laga hayo weedh ahayd “waxad moodaa Rayaale in cirka lagaga soo duulayo marka uu wafti u baxayo.”