WAJAALE NEWS

Maamulaha Kastamka Madaarka Hargaysa Oo ka Warbixiyay Waxyaabaha U Qabsoomay Mudadii Uu Xilka Hayay .

HARGAYSA(Wajaalenews) Maamulaha Kastanka Madaarka C/Xakiin C/laahi Maxamuud ayaa ka  war bixiyay wixii u qabsoomay mudo Todoba Bilooda uu xilka Masuuliyada uu qaranka u hayo oo ay u magacawday Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan  waxaanu Si qotodheer u sharaxay  waxyaabihii u qabsoomay mudada  Todoba Bilooda isagoo faah faahinaya.

 Mar uu warbaahinta la hadlayay  Maamule C/Xakiin wuxu Yidhi ; Waxaanu hirgalinay dhismayaal kala duwan oo ay ugu horayso  Laba Qol oo Xafiisyada Maamulka loo  dhisay hoolka Alaabaha la dhigto oo aanu u samaynay laba barande maadaama ay markii hore cadceed ahayd sidoo kale waxaanu Marmar dhigay  barxada xafiisyada.

  Isagoo hadalkiisa sii wata Maamule C/Xakiin waxuu sheegay in ay kor u qaadeen guud ahaan nadaafada  Kastanka Madaarka dhamaan waxqabadkan oo Maamuluhu  hirgaliyay mudadii uu joogay ayaa waxa uu si wayn uga mahad  celiyay  Wasiiradda Maaliyada  waxaanu yidhi  dhamaan waxqabadkaasi waxuu qayb ka yahay Astaamaha Waxqabad ee ku xardhan diiwaanka waxqabad ee Wasiirada Maaliyada oo si dagdaga uga soo jawaabta baahiyaha Kastanka Madaarka ee aan u gudbino .   

 

 Maamuluha oo faahfaahin dheeraada ka bixinaya Masuuliyada uu Qaranka hayo waxuu yidhi Masuuliyada iyo xilka qaranka u hayno ee Cashuur ururintu waa mid culus waxaana hubaala in  ay cakis isku yihiin iskana soo horjeedaan  Cashuur Bixiyaha waana arin curada oo soo jireen ah oo bulshadu kawada dharagsantahay in mararka qaarkoodna la isku qoonsado  mararka qaarkoodna lagu xafiiltamo oo la isku xajiimeeyo waxaana ka hadha sheekooyin iyo kaftamo dhaxal gal noqda sidaa waxaa yidhi Maamulaha Kastanka Madaarka Cigaal International.

isku soo wada duub oo ganacsatada Alaabaha kala soo degta madaarka hargaysa ayaa si wayn usoo dhaweeyay adeegyada iyo waxka badalka lagu sameeyay kastamka wasaarada maaliyadu ku leedahay garoonka diyaaradaha ee cigaal intertional.airport.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

.

Exit mobile version