WAJAALE NEWS

Maamul Cusub Oo La filayo In Loo Magacaabo Degmada Tog-Wajaale iyo Xubnaha Safka Hore Kaga Jira Oo Ka Hadley Xaallada Xiligan Ee Degmada.

Tog-Wajaale(Wajaalenews)-Xubno badan oo Kamid ah Aqoonyahanka Gobolka Gabiley ayaa maalmihii u dambeeyay siweyn u dhaqdhadhaqaajiyay ololaha ay ku doonayaan xilka Gudoomiyanimada Degmada Tog-Wajaale, oo maamul xumo kajirtey indhawaale kadib markii Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdi Saleebaan oo ah Masuul bilaa aqoon ahi faragalin badan ku sameeyay Ganacsatada islamarkaana, indha ka riday arimo badan oo u baahan in nidaamka dawladnimo iyo Sharciga Loo Maro.

Cabdifataax Cali Cabdilaahi oo kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee kujirey ololaha Xilka Gudoomiyanimda Degmada Tog-Wajaale ayaa, markii u horeysay ka hadley in sharafta Dawladnimo, Ta Xisbi Xukuumiga Kulmiye iyo ta Bulshada Somalilandba kujirto in Maamulka Degmada Tog-Wajaale noqdo Masuul aqoon leh oo garanaya Sharafta iyo nidaamka haybada Dawladnimo si ay shacabka iyo Ganacsatada ku nooli u beegasadaan Hurumar una xaqiijiyaan Halgankii iyo Isbadelkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye mudada dheer ku baaqayeen.

 

“Waligayna ismaan odhan dib ugu noqdo Degmadii aad kasoo jeeday ee Tog-Wajaale laakiin waxa nasib daro ah in hogaamintii Degmada Tog-Wajaale u gacan galey nin aan aqoon laheyn oo aan hore dawlad ugu soo shaqeyn oo aan nidaam dawladeed, iyo Haybada Xukuumada u igmatey Maamulka Degmada ee xilka culus u dhiibtey garaneyn, oo aan garaneyn sharafta Dawladeed iyo Xisbi Xukuumiga Kulmiye oo aan garaneyn Haykalka iyo karaamada nidaamka dawladeed iyo Masuuliyadu leedahay, waxey igu kaliftey in aan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii aan Xilkaasi uga badeli lahaa anigoo boqolkiiba boqol aaminsan inaan ku dhaami doono waana baahida Reer Tog-Wajaale maanta qabaan

Madaxweynaha Sharafta leh ee Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), iyo Xisbiga Kulmiye ugu baaqayeen Shacabka Somaliland maantana ugu baaqayaan iyadoo Muuse Biixi Murashax u yahey,si taa loo helo waa in Isbadelka Tog-Wajaale Maamulka lagu bilaabo si hore loogu sii socdo iyadoo laga shidaal qaadanayo, dhacdooyinka foosha xun ee uu sameeyay mudadii uu Xilkaasi hayey, Tusaale ahaan looma baahna Gudoomiye Degmo oo aan Gudoomiyaha Gobolka ka amar qaadaneyn, lana shaqeyneyn, looma baahna Gudoomiye Degmo oo aan Wasaarada Arimaha Gudaha ku xidhneyn oo aan Shaqadiisii garaneynin oo shakhsiyaad iyo Wasiiro ku xidhan looma baahna, waan ku rajo Weynahay Madaxweynaha Sharafta leh iyo Qarankana waan ka sugayaa, Musuqmaasuq iyo Shakhsiyo jeebka isku sita looma baahna oo Xisbiga Kulmiyaa ku jabaya oo Xukuumadaa ku jabeysa”Sidaa Waxa yidhi Cabdifataax Cali Cabdilaahi,oo olole ugu jira Xilka Gudoomiyanimada Degmada Tog-Wajaale.

 

Waxa kale oo isaguna arintan ka hadley Guuleed Iimaan Muxumed oo kamid ah raga ugu cadcad ee Xilkaasi Gudoomiyenimada Tog-Wajaale ku raad jooga, oo sheegay in ay dhinaca Madaxtooyada ka ogaadeen Wasiir ku dhegan Gudoomiyaha Tog-Wajaale laakiin ay ceeb iyo sharaf dhac ku noqoneyso in Degmo dhan Bulsho dhan oo Shacab iyo Ganacsato leh iyo Degmada Tog-Wajaale ee Muraayada u ah Somaliland in loo dabaabo xidho Shakhsi bilaa aqoon ah oo aan nidaamka maamulka dawladnimo iy shaqada midna aqoon fiican u laheyn, isagoo tilmaan ka bixiyay in ay dhawaan kulamo la yeelan doonaan Madaxdhaqameedka iyo odoyaasha kasoo jeeda Degmada Tog-Wajaale.

 

 

Exit mobile version