WAJAALE NEWS

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Diinta Iyo Aw-Qaafta Somaliland Oo Markii U Horeysay Faahfaahiyey Qisada Baabuur Uu Leeyahay Oo Ciidammada Amnigu Gacanta Ku Dhigeen Isaga Oo Maandooriye Ku Raran Yahay.

“10:00 Habeenimo Ayaa Nin Taliyeyaasha Ciidammada Kamid Ahi Telefoon Ii Soo Diray, Markaas Buu I Yidhi Gaadhigii Aad Lahayd Isagoo Kartoon Khamriya Dhigay Oo Kaantaroolkana Askar Kusoo Jiidhay Ayaanu Qabanay”

“Xumaantaydaa Aniga Iska Badan Oo Gaadhiga Anigu Waan Lahaa, Laakiin Ninka [Khamriga] soo Qaaday Baa Dembiga Illaahay Kala Xisaabtamayaa”

“Waxaan Leeyahay Illaahoow Haddaan Anigu Khamriga Siday Calaamo Iga Muuji, Hadday [Dadku] Been Sheegayaanna Iyaga Calaamo Ka Muuji”

Berbera (Wajaalenews)- Maareeyihii hore ee haamaha keydka shidaalka Somaliland ee Berbera, haatanna ah agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa markii u horeysay faahfaahiyey baabuur uu isagu leeyahay oo dhawaan ciidammada ammaanka ee magaallada Berbera ay gacanta ku dhigeen isaga oo ay saaran yihiin shixnado khamri ah oo uu ka soo waariday dhinaca magaallada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Baabuurkan oo noociisu yahay Booyad ayaa horaantii toddobaadkii la soo dhaafay xoog ku dhaafay barta kantarool ee magaalada Berbera laga soo galo marka Burco laga yimaado, halkaas oo markii ay askarta ilaallada ahi amreen in uu istaago si loo hubiyo baabuurka uu dirawalkii baabuurku iska dhego mariyey awaamiirtii ciidanka isla markaana khasab ku jiidhay xadhigii birta kaantaroolka. Haddaba qisada warkan iyo xaqiiqnimadiisa ayaa markii u horeysay waxaa faahfaahiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, isaga oo markii u horeysay qiray in baabuurkaas booyadda ah uu isagu leeyahay isla markaana ay jirto qisada warkaas, hase yeeshee waxaa uu iska durkiyey in uu wax lug ah ku leeyahay khamriga uu siday, isla markaana aanu masuuliyad ahaan wax door ah ku lahayn dembigiisa. Sheekh Saleebaan oo shalay jimcihii hadalkan ka jeediyey khudbadii salaadda jimcaha ee Masjidka Khaalid binu Waliid ee magaallada Berbera oo ka hor intii aanu siyaasadda ku milmin khadiib ka ahaan jiray, cahdigii xukuumaddii Rayaallena ka dhaliilli jiray siyaasadda xisbiga hadda talada haya ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Musharraxa madaxweyne ka ahaa, waxaa uu ku dooday in la marin habaabiyey warka baabuurkan booyadda ah isla markaana qisada khamrigaas uu dad makasto ku tilmaamay si gurracan u faafiyeen, kuwaas oo uu ku andacooday in Illaahay ka abaal marin doono sida ay warkaas u fasireen isagana xasanaad Illaahay uu ka baryayo in uu ka siiyo.

Haddaba, Wargeyka HUBAAL oo helay xalay Khudbadda sheikh saleebaan ee shalay oo waslad [clip] kamid ah uu kaga sheekaynayo sooyaalka warkaas iyo sida ay wax u dhaceen iyo waliba dad xidhiidh la soo sameeyey markii dhacdadaasi dhacday, taasi oo lagu baahiyey degellada muuqaal baahiyaha internetka ee youtube-ka waxaa uu ku bilaabay sheekhu “waxa magaaladda iyo website-yada lagu baahiyey iyo meelaha qoroqortaaba, sheikh Saleebaan baa gaadhiisa Khamri keenay magaalada. Nin sheikh ah baa oo masaajid tukiya baa ii waramay, markaanu waxoogaa isyar waraysanay baa telefoon kusoo dhacay sheekhii, markaasbuu ku yidhi ‘sheekhii la odhan jirayna Sheekh Saleebaan gaadhigiisiina Khamri baa lagu qabtay oo wuu xidhan yahay sheekhii buu ku yidhi ninkii, oo anigii baabu ila taagan yahay (sheekhu), dee Mimbar Masjid baan taaganahayoo, dee meel been laga sheegana maaha. Wuu yabayoo (waa ninkii) wuu iska adkaystayoo telefoonkii buu iska dhigayoo deetana wuu ii sheekeeyay, markaanu shaaxaynay kadib buu iiga sheekeeyay waxa ku dhacay. Walaalayaal warkanna ha la iska hubsado wuxuu doonaba ha noqdee, boolisku way diran yihiin oo mukhaadaraadka inay qabtaan, gaadhiga ay boolisku yidhaahdeen waxa lagu qabtay Khamrigana, qisadiisoo dhamaystiran siday aniga igu soo gaadhay 10-kii habeenimo, masaajidkaan ka sheegi”. 10:00 habeenimo ayaa nin telefoon ii soo diray taliyeyaasha ciidamada kamid ah, markaas buu I yidhi gaadhigii aad lahayd (booyada) isagoo kartoon khamriya dhigay kaantaroolka oo kaantaroolkaasna askar kusoo jiidhay ayaanu qabanay, dabadeed waxaan ku idhi dee xidha. Markaa anigu dee wuu jidhayda waxaaban moodayay askar buu laayayoo dee meydkoodii wadhan yahay. Shaw markaa xadhiguu jiidhay buu ileeyahay, oo aniga Khamriganiba iima sii muuqdee waxa ii muuqda dad baabu laayoo meydoodii wadhan. Gaadhigii sidii baa lagu xidhay, oo gaadhigu wuxuu siday I yidhaahdeen laba kartoon oo khamriya, intuu Istabta dhigay buu ka cararay, laakiin waxay masuuliyadu saaran tahay dareewalka wada oo Illaahay uu qiyaamaha weydiin, sheikh Saleebaan cidi waydiin mayso. Gaadhiga waan lahaa, dembigaa ninka dareewalka ahi kusoo qaadayna isagaa qiyaamaha Illaahay kala xisaabtamaya.”

Nin baa ii sheegayoo, ninkalaa suuqa igula kulmoo wuxuu igu yidhi ‘Maansha Allah dee sheikh Saleebaan wuu taajirayoo shaw gaadhigan weynba Khamri buu ka iibsaday.” Illaahay baanu ka nabadgalaynaa, kuwa warkaa baahiyayna, Illaahay baanu kolka hore cafis u weydiinaynaa ‘Allaha saamaxo’ waayo waxaanan anigu ahayn bay iga sheegeen, waana ribada ta ugu khatarsan, Gaadhiga wuu lahaa hala I yidhaahdo, laakiin in la yidhaa Sheekh Saleebaan baa khamriga siday, dad badanoo Iimaan lehi rumaysan maayaan, laakiin dadbaa mawduuc ka dhigtay inta ka dhigatayna anigu odhan maayo; Illaahayow haddii aan anigu siday Calaamo iga muuji, hadday been sheegayaana iyaga Calaamo ka muujiye, waxaan leeyahay Illaahow xumaantaydaaba aniga iska badane, si fiican baabay iigu shaqeeyeene iyaga ka dhaaf, anigana xasanaad iiga qor.”

 

Berbera (Hubaal)- Maareeyihii hore ee haamaha keydka shidaalka Somaliland ee Berbera, haatanna ah agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa markii u horeysay faahfaahiyey baabuur uu isagu leeyahay oo dhawaan ciidammada ammaanka ee magaallada Berbera ay gacanta ku dhigeen isaga oo ay saaran yihiin shixnado khamri ah oo uu ka soo waariday dhinaca magaallada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Baabuurkan oo noociisu yahay Booyad ayaa horaantii toddobaadkii la soo dhaafay xoog ku dhaafay barta kantarool ee magaalada Berbera laga soo galo marka Burco laga yimaado, halkaas oo markii ay askarta ilaallada ahi amreen in uu istaago si loo hubiyo baabuurka uu dirawalkii baabuurku iska dhego mariyey awaamiirtii ciidanka isla markaana khasab ku jiidhay xadhigii birta kaantaroolka. Haddaba qisada warkan iyo xaqiiqnimadiisa ayaa markii u horeysay waxaa faahfaahiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, isaga oo markii u horeysay qiray in baabuurkaas booyadda ah uu isagu leeyahay isla markaana ay jirto qisada warkaas, hase yeeshee waxaa uu iska durkiyey in uu wax lug ah ku leeyahay khamriga uu siday, isla markaana aanu masuuliyad ahaan wax door ah ku lahayn dembigiisa. Sheekh Saleebaan oo shalay jimcihii hadalkan ka jeediyey khudbadii salaadda jimcaha ee Masjidka Khaalid binu Waliid ee magaallada Berbera oo ka hor intii aanu siyaasadda ku milmin khadiib ka ahaan jiray, cahdigii xukuumaddii Rayaallena ka dhaliilli jiray siyaasadda xisbiga hadda talada haya ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Musharraxa madaxweyne ka ahaa, waxaa uu ku dooday in la marin habaabiyey warka baabuurkan booyadda ah isla markaana qisada khamrigaas uu dad makasto ku tilmaamay si gurracan u faafiyeen, kuwaas oo uu ku andacooday in Illaahay ka abaal marin doono sida ay warkaas u fasireen isagana xasanaad Illaahay uu ka baryayo in uu ka siiyo.

Haddaba, Wargeyka HUBAAL oo helay xalay Khudbadda sheikh saleebaan ee shalay oo waslad [clip] kamid ah uu kaga sheekaynayo sooyaalka warkaas iyo sida ay wax u dhaceen iyo waliba dad xidhiidh la soo sameeyey markii dhacdadaasi dhacday, taasi oo lagu baahiyey degellada muuqaal baahiyaha internetka ee youtube-ka waxaa uu ku bilaabay sheekhu “waxa magaaladda iyo website-yada lagu baahiyey iyo meelaha qoroqortaaba, sheikh Saleebaan baa gaadhiisa Khamri keenay magaalada. Nin sheikh ah baa oo masaajid tukiya baa ii waramay, markaanu waxoogaa isyar waraysanay baa telefoon kusoo dhacay sheekhii, markaasbuu ku yidhi ‘sheekhii la odhan jirayna Sheekh Saleebaan gaadhigiisiina Khamri baa lagu qabtay oo wuu xidhan yahay sheekhii buu ku yidhi ninkii, oo anigii baabu ila taagan yahay (sheekhu), dee Mimbar Masjid baan taaganahayoo, dee meel been laga sheegana maaha. Wuu yabayoo (waa ninkii) wuu iska adkaystayoo telefoonkii buu iska dhigayoo deetana wuu ii sheekeeyay, markaanu shaaxaynay kadib buu iiga sheekeeyay waxa ku dhacay. Walaalayaal warkanna ha la iska hubsado wuxuu doonaba ha noqdee, boolisku way diran yihiin oo mukhaadaraadka inay qabtaan, gaadhiga ay boolisku yidhaahdeen waxa lagu qabtay Khamrigana, qisadiisoo dhamaystiran siday aniga igu soo gaadhay 10-kii habeenimo, masaajidkaan ka sheegi”. 10:00 habeenimo ayaa nin telefoon ii soo diray taliyeyaasha ciidamada kamid ah, markaas buu I yidhi gaadhigii aad lahayd (booyada) isagoo kartoon khamriya dhigay kaantaroolka oo kaantaroolkaasna askar kusoo jiidhay ayaanu qabanay, dabadeed waxaan ku idhi dee xidha. Markaa anigu dee wuu jidhayda waxaaban moodayay askar buu laayayoo dee meydkoodii wadhan yahay. Shaw markaa xadhiguu jiidhay buu ileeyahay, oo aniga Khamriganiba iima sii muuqdee waxa ii muuqda dad baabu laayoo meydoodii wadhan. Gaadhigii sidii baa lagu xidhay, oo gaadhigu wuxuu siday I yidhaahdeen laba kartoon oo khamriya, intuu Istabta dhigay buu ka cararay, laakiin waxay masuuliyadu saaran tahay dareewalka wada oo Illaahay uu qiyaamaha weydiin, sheikh Saleebaan cidi waydiin mayso. Gaadhiga waan lahaa, dembigaa ninka dareewalka ahi kusoo qaadayna isagaa qiyaamaha Illaahay kala xisaabtamaya.”

Nin baa ii sheegayoo, ninkalaa suuqa igula kulmoo wuxuu igu yidhi ‘Maansha Allah dee sheikh Saleebaan wuu taajirayoo shaw gaadhigan weynba Khamri buu ka iibsaday.” Illaahay baanu ka nabadgalaynaa, kuwa warkaa baahiyayna, Illaahay baanu kolka hore cafis u weydiinaynaa ‘Allaha saamaxo’ waayo waxaanan anigu ahayn bay iga sheegeen, waana ribada ta ugu khatarsan, Gaadhiga wuu lahaa hala I yidhaahdo, laakiin in la yidhaa Sheekh Saleebaan baa khamriga siday, dad badanoo Iimaan lehi rumaysan maayaan, laakiin dadbaa mawduuc ka dhigtay inta ka dhigatayna anigu odhan maayo; Illaahayow haddii aan anigu siday Calaamo iga muuji, hadday been sheegayaana iyaga Calaamo ka muujiye, waxaan leeyahay Illaahow xumaantaydaaba aniga iska badane, si fiican baabay iigu shaqeeyeene iyaga ka dhaaf, anigana xasanaad iiga qor.”

XIGASHO WARGAYSKA HUBAAL

Exit mobile version