WAJAALE NEWS

Xukuumada Siilaanyo; Oo Qabyaaladii Ay Shacbiga Ugu Rar furtay Ku Qatimaysa Xiisada Berbera Ka Taagan.

Hargeysa(W,N)-Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo talada dalka Somaliland gacanta ku haysay,mudo ku siman lix sanadood iyo laba bilood waxa ay Dalka gayeysiiyay nidaam ay dib ugu soo noolaysay qabyaalada oo dib-udhac iyo hurumar la,aan dalka u horseeday, walow ay qabyaaladu sees u aheyd habkii lagu doortey Xukuumada maanta talada haysa hadana waxa muuqaalkii Xukuumadii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intii ka dambeysay ilaa Wakhtigii Madaxweyne Rayaale ka muuqdey dalka Guud ahaanba in kor loogo socdo qabyaalada.

Haseyeeshee, marka si dhab ah loogu dhabo galo kamay dambeyn eray miisaan iyo macno weyn ku fadhiyay oo Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo kasoo jeeda Gobolka Awdal Madaxweyne Kuxigeena mudo u ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa xilwareejintii uu sharafta iyo Maamuuska ugu wareejiyay xilka talada Qaran Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Sune uga dhigay ‘Dal iyo Dad Mideysan ayaan maanta kugu wareejinayaa’ hadalkan wuxu bud-dhigayaa Mushkiladaha iyo xiisadaha dhinaca beelaha ka aloosan ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo noolaysay nidaam ay wakhti kooban kasoo doogeen Shacabka Somaliland kadib markii ay Qaaxo ugu tageen taliskii Nidaamka Siilaanyo  oo lagu kala qeybsamey SNM gudaheeda arimahan hadeynu Tusaale u raadino ma aha mid lagu sii raagayo meel doonisteedu waxaana inagaga filan.

Tusaale ahaan Dhulka Deegaanka Waqooyiga Gobolada Hargeysa iyo Gabiley waxa ka taagan muran aan geedna loogu soo gaban kaas oo aanay Xukuumadu habayaraatee wax talaabo ah ka qaadin laakiin marka xaqiiq loo eego lagu ciirey dhinac kaliya maadaama loo xidhxdhey Duqey iyo Salaadiin kasoo jeeda Deegaanka Hargeysa,ilaa maantana arintaasi waa mid shuuqeysa oo qarax kale suurtagal tahey in uu ka qarxo, bilowgii horaantii Xukuumadana waxa ay kalshaale dhinacii Barkadaha ka abuurtey Xiisad u dhexeysa Beelaha Deegaanka taas oo riiqdeedii wali taagan tahey,Xiisada ka taagan Gobolka Saaxil xeebtiisa Bari ayaa iyaduna qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyo ay hurmuud u ahaayeen walina uyihiin Masuulyiin nidaam beeleed kusoo galey Xukuumada(Wasiiro) islamarkaana, awoodo badan oo jeebkooda ah nidaamka qabyaaladeed u isticmaalay amase markii ay waayeen cid la xisaabtanta ay danahooda gaarka ah  ka fushadeen sida loo badan yahey ta,kiidka kala qeybsanaanta ugu fududeysay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo masuuliyiinta xilalka ka haya iyo kuwa hore uga hayey labadaba.

 

Sikastaba ha ahaatee waxa xiligan muuqda in nidaam ay xalaaleysay Xukuumadu oo waji qabyaaladeed hagoogani yahey ka maanta ka muuqda beesha uu kasoo jeedo Madaxweynuhu maadaama ay iyagu sadbursiimo u heleen xilal ka badan ka umada ka heyso Xukuumada, qaadashada Mashaariicda iyo sanduleynta dadka Somalilandta kale kasoo jeeda ee Xilalka ka haya Xukuumada oo ay hanjabaad iyo cagajugleyn dheeraad ah ku hayaan qof kasta oo beeshiisa kamid ahi intuu doono awoodiisu ha noqotee waana ta kaliya ee maanta Su,aashu ka taagan tahey……………..

 

Exit mobile version