Xildhibaan C/casiis Cabdilaahi Ismaaciil Oo Ka mid ah golaha deegaanka gabiley ayaa bulshada gabiley ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan xaqiraada komishanka qaranku kula kacy gobolka gabiley isla markaana sheegay inaan wax goob ah lagaga tegin gobolka gabiley. xildhibaanka oo amuurtaasi ka hadlaya waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:
Marka hore waxaan maqaalkaygan kaga hadlayaa qadashada kaarka codbixiyayaasha dorashooyinka somaliland oo mudo todobaad ah ka socotay gobolka gabiley waxaa hadaba dhab noqotay duudsiintii komiishanka qaranku ay duudsiisay xuquudii gobolka gabilay waxaa xalay soo gabagaboobay wajigii hore ee qaadashada kaarka codbixinta waxaan hadaba maqaalkaygan ku cadaynayaa in qorshihii komiishanka ee ahaa in gobolka gabiley wajiga labaad lagaga tago magaala madaxda gobalka ee gabiley 3 goobood ..wajaale hal goob alaybaday hal goob arabsiyo hal goob hadaba oo 7 cisho ah wajiga sadexaadna hal sanduuq oo gabiley dhexdeed ah oo 14 cisho haddaba waxaan halkan ka cadaynayaa in magaladii gabiley aan lagaga tagin wax goob diwaan galineed ah maanta gabiley sanduuq ma dhexyaalo arbsiyo logama tagin allaybadayna lagama tagin kaliyaa waxaa goobteedii looga tagay wajaale oo hal sanduuq looga tagay lama garanaayo waxaa qorshahaa badalay waa arin lagu ragaadinaayo gobalka gabiley anagu waxaan u aragnaa mashruuc ay cidi wadato taasina way iska soo bixi doontaa reer gabiley yeeli maayaan arinkaa haddii aan wax laga qaban
Waxaa mar labaad leeyahay maanta in wajigii koowaad in gabiley laga qaado dhamaan sanaaduuqdii laga qaadanayay waraaqda codbixinta waa arin qaawan reer gabiley waxaan leeyahay fadhiga hala kaco arinkaa halaga hadlo anaguna ka maamul ahaan iyo ka gole ahaan doorkayaga waan ka qadanaynaa cuqaasha iyo wax garadka gobolka siyaasiyiinta gobolka waa in arinkan laga hawlgalaa wakhti yar ayaan haysanaa arintaa