WAJAALE NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Hadlay Dilka Taliye Casayr,Mudaharaado ka dhacay Ceerigaabo iyo Salaadiin la Xidh Xidhay

Hargeysa (W,N)-Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay dil toogasho oo lagu dilay taliyihii qaybta ee Gobolka Saaxil,Mudaharaado ka dhacay magaalada Ceerigaabo iyo salaadiin la xidhxidhay habeenkii xalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegay in laamaha amaanka Somaliland ay ku dabajiraan dambiilayaasha dilay Taliyaahi islamarkaana ay gacan bira kusoo qabanayaan.

Wasiir Warancade waxaa Tacsi u diray Ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay Taliyaha la dilay “Waxaan Ilaahay ka baryayaa marxuumkii hawsha qaranka ku jiray ee sarkaal ciidanka booliiska ahaa inuu Ilaahay janooyinkiisa balaadhan ka waraabiyo oo uu galiyo,reer somalilandna samir iyo Iimaan ka siiyo, waxaa dishay gacan ka xaqdaran oo dambiile ah, waxaanu u dhintay qaranka Somaliland isagoo hawshiisa gudanaya.Hore way u dhacday dibna way u dhici doontaa umadan qaarbadan oo maslaxadooda,tiirkeedda iyo nabadgaliyadeeda u dhinta”ayuu yidhi

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu ka sheegay in dambiilayasha taliyaha dilay ay tahay hawlqaran oo ay sharci la tiigsanayaan waxaanu yidhi“Dambiilayaasha sarkaalkaasi dilayna waxay u taalaa qaranka Somaliland, Annaga ayaa ka masuula, Annagaa gacan bira ku qabanayna Hadii Alle yidhaa cidii ka dambaysay, cidii ku taakulaysay iyo cidii dambiga gashayba”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay salaadiin ay booliiska Somaliland ay xidhxidheen “Salaadiin waxaa lagu xidhay waxaa jirtay mar ay Innamadani Dambi sameeyeen,oddayaashii damiintay ee balanqaaday inaanay Innamadaasi wax dambe sameynin oo ay bulshadooda kusoo noqon doonaan ayay ahayd, markaa waxay kasoo bixi waayeen balantii ay fuliyeen.”

Wasiir Warancade waxaa uu baaq u diray shacabka reer Somaliland gaar ahaan bulshada ku nool magaalada Ceerigaabo oo saaka ka mudaharaaday dilka loo gaystay taliye Casayr.

“Bulshada reer Somaliland dawlad iyo qaran xoogle bay dhisteen, ciidamo amni ayay dhisteen, dawladbaynu nahay, ma nihin wakhtigii qabaailka iyo Tolo’ayeeyda, waxaan nin walba u sheegaynaa inay arrintaasi masuuliyadeeda ay leedahay dawlada Somaliland.Dadweynaha Ceerigaabo ka mudaharaaday waxaan u jeedinayaa arintaasi qaran ayay u taalaa ee reer uma taalo”

 

 

Exit mobile version