WAJAALE NEWS

Shirkada Redsea Oo Yeelatay Masuuliyada Shidaal Wasakhaysan Oo lagu Shubay Haamaha kaydka Berbera

BOOYADO AAD U FARO BADAN OO SHIIDAAL NAAFTO OO A HORE UGA QAADEEN  HAAMAHA SHIIDAALKA BERBERA  DIB USOO CELIYAY IYO NAAFTADII OO GAAS & BIYO ISDHEX YAACAYA ISUBEDESHAY

BERBARA(W,N) Shirkadda Shidaalka Ee Redsea Pertroleum Ayaa La sheegay in ayYeelatay Masuuliyada Shidaal Wasakhaysan oo Naafto ah oo khal khal iyo jahawareer ku riday dadkii isticmaali jiray shidaalka naaftada ee isugu jiray gaadiidka warshadaha waawayn ee dalka ka jira,kuwaasi oo walaac wayn ka muujiyey shidaal naafto ah oo isugu jira naafto iyo biyo oo dhawaan markab u rarnaa shirkada redsea uu ku shubay haamaha gaarka u ha kaydka naaftada,eek u yaala isla xerada kaydka haamaha shidaalka ee magaalada berbera.

Sidoo kale dhamaanba kaalmaha iibiya shidaalka ee ku yaala magaalooyinka dalka ayaa dib u celiyey booyado shidaal naafto ah ka soo qaaday magaalada,berbera ka dib markii ay ogaadeen in shidaalkani yahay mid halis iyo waxyeelo ku ah cid kasta oo u isticmaasha naafto ahaan,waxaanay haatan xerada kaydka haamaha ee magaalada berbera ku sugan ku dhawaad 50 booyadood oo iyagoo dhaansan ku soo laabtay xerada haamaha kaydka shidaalka,maxamed cabdi aadan oo ka mid ah dirawalinta wada mid ka mid booyadaha ku laabtay magaalada berbera ayaa waxa uu yidhi,walaal shallay ayaa anigoo sida shidaalkii waxaan dib ugu soo laabtay isla magaalada berbera,waxaana sababay cidii aan shidaalka u siday oo sheegtay in shidaalkani wasakhaysan yahay oo aanu ahayn shidaal sax ah markaana waxay ii sheegeen inaan ku celiyo halkii aan ka soo qaaday waanan soo dhaqaaqay imikana waxaan jooga xeradii haamaha kaydka shidaalka,walina cidi noomay iman intaa gaadiid way soo socdaan iyagoo soo celiyey shidaalkii ay qaadeen.

Mid ka  mid ah ganacsatada kaalmaha shidaalka ee magaaalada hargeysa ayaa iyaguna xaqiijiyey inay celiyeen shidaal naafto  ah oo aan ahayn shidaal sax isuguna jira biyo naafto .arintan ayaa keentay in kaalmuhu xakamanayaan naaftadii saxda ahayd ee ay hore u hayeen balse waxa kordhay sixirkii qiimaha litirka naaftada oo ay ku korodhay 700sl shilin

Geesta kale midawga shirkadaha shidaalka ee la wareegay gacan ku haynta haamaha kaydka shidaalka ayaa arintan aan wax jawaab ah ka bixin iyadoo  la sheegay in dhexdooda khilaaf ka dhex abuurmay,khilaafkaasina uu salka ku hayo in shirkada redsea ay siday doonto ka yeesho isticmaalka haamaha iyo keenista shidaalka maaddaama awooda ugu badan ay shirkadaasi maroorsatay  taasina ay kaliftay in shidaal aan soo marin LAB-ka hubinta tayada shidaalka ay dalka keentay

Waana arintii ugu haista badnayd ee dalka ka dhacda abid ama la keeno shidaal  noocaas oo kale ah lamina garanayo talaabda laga qaadi doono shirkada redsea.

 

WAJAALENEWS DESK

 

 

Exit mobile version