HARGAYSA(Wajaalenews) Abaabulka Shir balaadhan oo ay isugu imanayaan Salaadiyiinta, cuqaasha,waxgaradka iyo xubno miistaan culus leh oo kamida mujaahidiintii SNM. ayaa la filayaa in uu maalinta bari ah ka qabsoomo magaalada Hargaisa.shirkan ayaa sida wararka aanu ka helaynaa tibaaxeen jawaab adag lagaga bixin doonaa weerarkii qaawanaa ee maalintii shalay ahayd ay kusoo qaadeen xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye Saldanada beelaha Subeer awal kaasi dib markii caleemo saar dhicisoobay oo ay docda ka hagayeen hogaanka xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyadu isku dayeen caleemo saaray suldaan maqaar saar ahaa Hotel ka mid ah hodheelada Hargaisa oo abaabulkiisa ay iska lahayd xukuumada iyo xisbigeedu. balse noqday mid ka fashilay kadib markii ay kasoo xaadiri waayeen wax salaadiyiinta ,cuqaal iyo xubno kale oo ay filayeen in ay kala so qayb galaan.
madashani ay kulmin doonto guud ahaan saladiyiinta , cuqaasha,waxgaradka,mujaahidiin iyo aqoonyahano miisaan ku leh beelwaynta subeer awal. ayaa waxaa laga jawwbi doonaa talaabadii xukuumadu kusoo faro galisay saldanada beelaha subeer awal sidoo kale waxaa lagu wadaa in lagaga tashado aayaha siyaasadeed ee beesha iyo halka ay cudeeda iskugu gayndoonto,
dhanka kale guud ahaan meelaha ay ku kala nooshahay beelwaynta subeer wal ayaa lafilyaan in ay jawaabo Adag ka bixiyaan weeararkaa saldanada
sikastaba ha ahaatee waxaan ka war sugi doontaa halka ay sal dhigidoonto khilaafka iyo weerarka xukumada kusoo qaaday saldanada beelaha subeer awal oo ah mid facwayn. iyo dareenka ay ka qaantado guud ahaan madaxdhaqameedku oo iyagu kamidaysan dhacdadan,
waxa kale oo madashan bari lagaga hadli doonaa xadhiga xubno madaxdhaqmeedka beesha kamida oo iyagu mudo u xidhnaa dhacdo ka dhacday deegaanada waqooyi, ee somaliland