WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Dalka Jabouti Oo Dacwad Kadhan ah Ka Gudbiyay Shirkada Facebook ee ay Bulshadu Kuwada Xidhiidho

Wargayska caalamiga ah ee the Sunday Times ee kasoo baxa dalka britain  ayaa iclamiyay in madaxweynaha dalka Jabouti Ismail Cumar Gele dacwad ka dhan shabakda barta internetaka ee bulshadu ku kulanto ee Facebook ah u gudbiyay maxkamada sare ee dublin.

waxa aanay wararku intaas ku darayaan in uu madaxweyne Geele kiraystay kooxda qareenada ah ee lagu magacaabo Johsons oo fadhigeedu yahay magaalada belfast ee dalka woqooyiga Irland.

Ilaa hada ma cada sobobta dhabta ah ee mudane Gele u dacwaynao shirkada facebook oo ah shirkada ugu balaadhan ee ay maanta ku wada xidhiidhaan dhamaan dadka daafaha aduunka ku nooli.

Exit mobile version