WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ergayga Cusub Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya+Sawiro.

Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hogaaminaayey Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya General Michael Keating oo markii ugu horaysay Dalka yimid,.

Kulankaas waxa Madaxweynah ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Kulanka ka dib waxa ka warbixiyey wasiirka Arrimaha dibeda iyo ergeyga oo si wada jira ula hadlay saxaafada isaga oo ka waramay ujeedada socdaalka ergayga qaramadiboobey y qaabilsan somaliya waxaana uu sheegay in uu ergaygan cusub ee dhawaan lasoo magacabay ay tahay markii ugu horaysay ee uu dalka yimaado ujeedada socdaalkuna ay tahay isbarasho dhex marta isaga iyo madaxda ugu saraysa somaliland.

Dhinaca kale waxa uu ergayga oo halkaas ka hadlay uu sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshaha somaliland iyo sidoo kale sida wayn ee loogu soo dhaweeyey dalka.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version