WAJAALE NEWS

Lama Huraankii la Hakraday: Reer Miyiga Tabaaloobay Xilkooda Iyo Xisaabtoodaba Yaa Sida? By Abdirasak Salah

Abidkii Dad Waa Gu’i Jiree, Tanise Waa Gaw!

BY Abwaan Soomaaliyeed.

Maba ay sii fogayne waxa ay ahayd uun dhawaan. Kaliishan cirkuna uu fuf daayay bay ahayd. Guriga ayaan ku sugnaa. Waa goor duhur ah, cadceeduna inta ay maryaha siibatay ay falaadho oogadaada ka dusaya ay uunka ku jirbaadisay. Waxa aan suunka u furtay bal in aan kulka badan ee jira aan xoogaa ka qabaysado oo aan biyo isku rogo. Isla goortii aan xagaa iyo xamaamkii aan dacaska u illaday ayaan isku dayay bal in aan qasabadii ay biyuhu ka soo dhacayeen aan furo, bal si aan u eego in ay biyo jiraan iyo in kale. Mise waaba gow! Oo biyo ma leh.

Dhulka oo kululaa, iyo aniga oo kardhanaayay darteed woxoogaa waan xanaf-wareeray. Xanaaq baan kolba dhan u muusanaabay. Oo yaan canaantaa ee biyaha gooyay? Ma cidii guriga ila joogtay? Xaasha’e, maya!. Aniga uunbaa kor iyo hoosba iskugu gunuusay. Mar qolada biyaha maamusha ayaan haaraamaa. Kol kale dawlada ayaan hiifaa. Mar kalena, dadwaynihii macmiilka u ahaa shirkadan (ee aan Anaguna ka mid ahayn) baan ku hawaarsadaa.

Aniga oo wax aan sameeyaaba iska yar yahay, aseen ahayn in aan kaligay isla guuxo, ’Ma Magaalada Xiligaa Laga Maydhan Waayay Baa Maagaalo ah’ iyo hadalo la mid ah ku xiin xaraabba goosanaya, ayaa waxaa intaaba korka igala socotay gabadh ila dhalatay. Markaasbay inta ay ila hadashay waxa ay i tidhi.

“Ninba in bay baahidu u joogtaa, aduu saw maydhasho la’aan ka caban maysid? Waxaan indhahayga soo saaray (deegaanada ay abaartu aadka u saamaysay oo ay shaqaale hay’adeed ka ahayd oo ay isla maalintaas uun ay ka soo gashay) dad harraad darteed in ay bakhtiyaan u dhow”

Waxa ay iiga warrantay dhawr kiis oo duunkayga aad u taabtay, maadaama aanay wax aan ka qaban karaa aanay jirina aan ka xumaaday in aan maqlo. Cabaar ayaan agteedii ku xasilay bal si aan sheekada uga haaneedo. Waxa ay dabada iiga gashay sheekooyin muush ah oo ay midiba mid ka darnayd, oo markii hore aan u qaatay cayaayir, iyo in ay ugu talo gashay in ay dareenkaygaa saloogan ay ku doori is leedahay, balse markii dhiiladii cidhibteedu uu maalmo ka dib dhagtayda iyo ta Soomaali Maxamedba ku soo dhacday aan qudh iyo maan u rumaystay. Intii ay jidka u dhexeeya Deegaanada Fadhi-xun iyo Caasho-Caddo ku safreyeen, ayaa sheekooyinka ay la kulantay eey iiga warrrantay waxa ka mid ahaa;

”Markii aanu gaadhnay tuulada waxaa naga hor yimid ummad dhan oo guuraysa mid jirkaan sito, midi shanlay, midi mooy sixo, xattaa caruuruhu caagado yar yar bay wattaan. waxba ma sidano aan ahayn laba kees oo biyo ah oo aanu lafahayaga ugu talo galnay. Hal xabbo halkii kalamaanu dhaqaaqin ee dadkii baanu u qaybinay, wax aan ka ahayn xabad-xabaddii aanu gacanta ku wadanay. Waanu ka dhaqaaqnay oo waxaanu. Tuuladii markii aanu ka dhaqaaqnay ayaanu tuulo kale ku baxnay. Mise sidii si le’eg baa na qabsatay. Markanse waxaanu sidanaa waa baaboco madhan”

Waxa ay intaas raacisay.

”Oday waayeel ah baa noo yimid, markii uu damco in uu nala hadlo hadalka ayaa ku dhagaya, markaasbuu hunguriga is qabanayaa, oo xiix..xiix Odhanayaa. Shaw harraad buu hunguri cadku is taabanayaa. Waanu argagaxnay markaasbaanu caagadihii aanu sidanay aanu ku boobnay, oo isku qulaamiyay”

“Waxaa na soo ag-joogsatay carruur yar yar oo laba jiro ilaa saddex jiro ah, markaasay inta ay gaadhiga isa soo ag taageen oo suulasha ku joogsadeen ay iyaga oo carrabka laadlaadinaya sidii eyga, isla markaana hadli kari la oon darteed ay madaxa gaadhiga soo galiyaan (xataa na waraabiya awood ay ku yidhaahdaan bay waayeen waana ubad yar yar). Wax aanu u qaban karno ma jiro, aan ahayn in aanu halkii baroor iyo oohin aan damayn aanu ku dhufanay”

“Meeliba meesha ay Guban (dhinaca xeebta) ka sii xigto in ay ka sii daran tahay baad mooday. Waxayse noogu darnayd oo uu naxdin iyo argagax na qabsaday, markii aanu is dul taagnay hooyo dul fadhida ilmoheedii oo qiyaas laba jir ah. Ilmaha yari gaajo iyo harraad buu tii u dambaysay taagan yahay. Wuu ooyayaa, oo cod hoose oo meel fog uu ka soo tuurayo ayuu si tabar daran ugu dhawaaqaya, HOOYO BIYO! HOOYO BIYO! Mar kalena HOOYO MAXAAN CABBAA? Ayuu leeyahay. Islaantii iyada oo wayraxsan, wax ay siisono la’ ayay markii ay sabaalo iyo sasab kala quusatay ay cod aad u naxdin badan oo ay naaxiyad saymo iyo sakatiba badan ku ladhay ay ugu hal celisay HOOYO WAYKANE, MAXAAN KU SIIYAA IGA AAMUS!”

Markii ay halkaa ii marinayso, baan inta aan muusooday oon maroora dilaacay aan isaga ag kacay xaqiiqdii oon been ahayn ilmo aan garan waayay goor ay iga timid ayaa dhaban kayga qoysay. Waxaa dhab ahaan isku badalay darreenkaygii shan daqiiq ka hor. Waxa aan noqday, nina dhaashi iyo dhaldhalaal buu u bu’ayaa, nina dhuunta wax uu ku qooyo ayuu u le’anayaa. Waa kaaf iyo kala dheeri. Tadobaad ka dib ayaan maqlay dhiilada warka in goobihii ay ii sheegtay ay ka dhacday dhawr geeriyood oo xaaladii ay iigu sheegtay u dhacay. Waa dad oon iyo harraad u le’day.

Hadaba,aabahaa surmiga dartiis hadalka kari la’aa,  hooyadaa iyo ilmahaas isku dul bas beelay, iyo kumanaanka kale ee dadwayne ah ee tarab-tarabta ugu lee’anaya ayay Masuuliyaddoodu saaran tahay? Ma mas’uulka waax-waaxsanaaya ee xil-ma-dhaadka ah?Haa! Waa run, abaartu waa amar Alle, balse gurmadka iyo ka talo galkeedu waa Amar u yaala ciddii umada u dhaaratay ee xilkeeda sida dhugmo la’aanta ah dhabarka ugu ridatay. If iyo aakhirona iyaga ayaa lagala xisaabtami doonaa.

Si kasta oo aad u eegto, nolosha bulshada reer magaalku waxa ay ku tiirsan tahay reer miyigaa tabaalaha iyo abaartu ay baabah ka dhigeen. Bangiga adduunku wuxuu sheegay 40% in ay bulshada reer miyigu ka yihiin ummada Soomaalida. Waxaanay koboca dhaqaaleheeda ay ka yihiin laf-dhabar, oo dhitada ay dhaqaalaha kaga qayb qaataan kama yara kala badh (50%) guud ahaan dhaqaalaha dalka, hadana sidaas ay wax u horaan looguma hambeeyo oo, odayga reer miyi maalinta neefka yar ee uu reerka ka soo kexeeyo – oo dabcan ah waxa aynu kala soconoba  – laga iibsado ayaa inoogu war dambaysa.

Si la mid ah sida fadhiidka reer magaalka ahi u helo adeegyada aasaasiga ah, fariidka reer baadiye uma helo. Wax barasho hagaagsan ma helo, caafimaad mid dad iyo mid duunyada uu dhaqdoba ma hello, biyo hagaagsan ma helo, IWM. Haddana waxaa la leeyahay waxaa jirta xukuumad uu xilkiisa iyo xisaabtiisaba saaran tahay!. TUUGTA XADHKO-GOYSKA AH, ee dalka ka talisaa, shalay markii ay codkiisa  raadinayeen miskiinkaa maanta harraadka u go’ay, balan-qaadyo been ah baa loo sheegay, oo codkiisii laga siistay, maantana lagaga baxay oon dib dambe laba cali isku waydiin halkii uu ku dambeeyey iyo wacaalihiisa.

Haddaba su’aasha meesha taalaa waxa ay tahay; Dadkaa reer miyiga ah ee tabaalaysani  yay u tirsan yihiin? Calankeebay hadhsanayaan? Dawladee baa u diran? Mooyi! Waa ceelna uma qodna cidna uma maqna dii la sheegi jiray oo dhab-dhab ah.

Dalka maraykanka oo ah wadanka dunida ugu wayn ayay horraantii 2009kii waxaa ka dhacday duufaan sahlan, waxaa ku dhintay hal qof, dhawr kalena raq iyo ruux meel ay jaan iyo cidhib dhigeen baa la waayay, haddana dawladii dhanayd ee awoodda (Ilaahbaa Awood lehe) la ogyahay lahayd waxa ay ku dhawaaqday Xaalad Deg-deg ah Madaxwaynihii dhannaa ee dalka oo markaa cusbaa ayaa guubtii ay waxyeeladu ka dhacday isa soo dul taagay, iyadoo ay wali dabayluhu xuufta hayaan . Inagana silicii iyo saxriirkii abaartu waxa ay inaga sahaydeen tiro gaadhaysa 8 ruux, afar qof oo ay ganacsato, dhawr wasiir iyo shicib ah oo girif-girifta haya mooyee wax kale oo ay indheheenu qabteen ma Jiraan? Saddeeda qof ee inaga baxayse miyay ka naf yar yihiin halkaa qof ee maraykan ka baxay ee haddana dalkii oo dhan heeganka loo galiyay isla markaana gurmadkiisu heegada gaadhay.

Waxyaabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mid ah, sida ay Dawladeenu uga dhego adag tahay dadkii doortay, ee ay ugu dhego nugushahay dadyowga shisheeye. Tusaale ahaan; hadii ruux shisheeye ay qodaxi ku mudo wadanka gudihiisa, Madaxawayne iyo wasiirba makrofoonka kala boobi ogaa! Gurman ogaa! Cambaaray ogaa qodaxdaa muday!! Dadkii iyo shacbigii soo doortay ee dirtayna iyadii oo ay dhimashadoodu siddeed marayso, oo ay xaalka hambadii hadhayna uu yahay mid laga argagoxo, ayuu Madaxwaynihii u Sarreeyey inta uu maanta safar dib uga soo laabtay, Shirkiisii jaraa’id, xaasha’e aanu marna ku soo hadal qaadin!. Allooow Ma Madaxwayne!

Adhi Jugux-jugux kama ilbaxee, barri ayay tii tu la mid ahi dhacaysaa, oo dadkaa maanta ay ka oodatay ee ay dhagaha ka furaysatay codkooda loo baratami doonaa, oo lagu dul cartami doonaa. Miskiinkaa lagu dul Cooba-riddanayo, ee inta wankii suuqa sunuuda lagaga siistay ee laga sii dilaalay, hilbihiisii ninkii feentay uu haddana cod barri kaga dooni bartii ay ku baaba’een ee uu raqdii ubadka iyo waayeelkaba uu haadku ku dhacayay.

Ugu dambayntii, waxaa aad wax loogu diirsado ah, guud ahaanba deegaanada galbeed dadwaynaha ku dhaqani sida ay uga fal-celiyeen dhiiladaa, iyo sida Naf-hurka leh ee ay hagoogta isaga rogeen ee iyagoo is-xilqaamaya ay gurmadka intii ay karayeen ugu gaysteen walaalohood. Sidoo kale waxaa ammaan mudan qaar badan oo mas’uuliyiinta dawlada ah oo xil wayn oo aan laga filayn iska saaray muujiyayna waddaniyad iyo banii aadminimo dhab ah. Balse waxa uu saluug baahsani ka jiraa, habka iyo hannaanka ay wax u socdaan. Bariis baa la gurayaa, biyihii lagu karsan lahaana ma haystaan dadkii! Hadaba ma qalaylkay ku bidhan doonaan?

Hadal iyo dhamaantii Arinkaasi waa masiibo qaran, Xukuumaduna ha ku darsato mas’uuliyadeeda koowaad ee ay ummadan u haysaa in ay tahay gurmadka iyo samato bixinta dadkaa, ee yaanay ku mashquulin yooyootanka, siyaasadeed, iyo in hadba nin dan lihi uu ummaddii ay abaartu saamaysay inta uu lacagtii iyaga laga guray guntiga ka soo buuxsado uu dadkii tabaalahu ku habsadeen ka dhex Ololaysto, goor aan looba fadhiyin!!

Abdirasak Salah Elmi

Abdirasaksalah@gmail.com

 

Exit mobile version