WAJAALE NEWS

Cidna magaca ha ka dilin si aan kaaga loo dilin

Waxaa Mahad iskaleh ILLAAHAY (SWT) Waxaan salamayaa dhamaan Akhrista yaasha, Bahda wara baahinta gaar ahaan Website kan iyo dhamaanba umada Afka Somaliga ku hadasha wxaan

Qalinka u Qaatay inaan Qoraal kooban ka Qoro, Arin aan ka damqaday oo bulshada Somalida ku soo Kordhaysa Baryahan Dambe oo aad u Fool xun taas oo ah in L aceebeeyo Gabdhaha Somalieed Amse Qof Magac Bulshada Ku dhex leh iyoada oo la istic maalyo SOCIAL MEDIA ama Aalada ITERNETKA .

Sida :

WEBSITE, FACEBOOK, TWITER, SKYBYE iyo kuwa la midka ah oo runtii khatarteeda leh (technology-yadu waa kolba xaga loo adeegsado).

Tusalaale ahaan waxaa soo badanaysa in ay dhalinyarada Somaliyeed ay isticmaalaan magacyo Badan oo aanay lahayn si ay ugu Qadhaabtaan Amase ay wax ugu Fuliyaan ,dabcan Kuma darayo Kuwa magic u isticmaala Si sax ah Ama dhan wanaagsan Ogalolaanshana hasytsa.

Waxaan ka hadlayaa inta dhanka xun u isticmaasha ee Doorbiday inay Shaqsi gamaha ula tagaan karaamada iyo cisiga qofka binu aadamka ah oo ah waxa ugu karaamada badan Wuxuu ilahay abuuray

.Subxanalaah.

Waxaa walalyaal soo badanaysa dadka adeegsada Alaadha aan kor ku soo xusay ee ceebaynay umada Somaliyeed Gaaraahaan GABADH HA SOMALIYEED. Subxaanalaah .

Tusaale ahaan : 1. Sawir aanay lahayn oo aad Face book Profile ka dhigto waxaad dontana ku samayso

2. Sawiro qaawan oo Gabadh aan somaliba ahayn la yidhaa waa gabadh Somaliyeed , oo ah kuwa inoo diirka eeg una dhashay wadamo ajnabi ah Sida BARSIL ,ETHOPIA ,ERETRIA iyo kuwa lamida.

3.fanaaniin la ceebeyo layidhaa waxas ayuu sameeyay, iyodoo looga dan leeyay in la’eego Website ka oo kaleya. 4. in la dilo Qof aan dhimanoo la yidhaa hebel oo dhintay oo markasta dhacda .

Qofkasta oo istcimaala arintaas waxaan siinayaa fariintan, Su,aashu dabataal

1.Miyaad jeceshay in sawir qaawan oo ay leedahay WALAASHAA, HOOYADAA, XAASKAAGU inaad aragto ama la soo galiyo media. ? waa maya

2.miyaad jeceshay in adiga magaacaga la dilo ama laga been abuurto? waa maya

3.ma ogtay xataa hadaad dhimato in uu soconayo sawirkii Qaawanaa ee aad samaysay so galisay

4.ma ogtay in ilaahay kaaal xisaabtami doono maalinta Qiyaamaha ?

5.Ma ogtay dhaqankaaga sharaftaada oo aad dhawrtaa ay tahay diintaadi oo aad dhawrtay? .

6.Ma ogtay in wakhtiaagu yahay mihiim laguna waydiin doono wixii ad galisay khayr iyo sharba?.

7.M a ogtay diinteenu inta ay ka hadashay kun baaymisay waxyaabahan.

Fadlan hadaad tahay qof somaliyeed oo udamqanaya dadkiisa, diintiisa , dalkiisa ,Bulshadiisa DHaqankiisa, shaqsiyadiisa Sharaftiisa iyo Islaamnimadiisa ka dheeraw inaad galiso media sawirada, Video, ceebaynta dadka somaliyeed. Aad ayaad umahadsantihiin intiina ka dhiidhiday ee ka hadashay khayrna Alah hadin siiyo .

U adeegso xaga wanaagsan technology. WA BILAAHI TAWFIIQ

ABDIRASHID MUUSE ADAN

Rashaad055@hotmail.com 063-4475540

Exit mobile version