WAJAALE NEWS

Idaacadda codka maraykanka oo marin habaabisay falkii uu gaashaanle casayr ku naf-waayey

VOA waxay Sheegtay In Taliyihii Qeybta Booliska Ee Berberi Ku Dhintay Shaqaaqo Mudaharaad

Hargeysa (W,N) – Laanta afsoomaaliga ee Idaacada VOA, ayaa marin-habaabisay xaqiiqada warkii dilka Taliyahii Qeybta Booliiska ee Gobolka Saaxil marxuum Gaashaanle  Cabdirsaaq Yuusuf Maxamuud, kuna sheegtay inuu ku dhintay iska-horimaad dhex maray dad mudaharaadayey iyo booliiska. Warkan VOA-du  dorraad ku baahisay Website-keeda ayey ku sheegeen in Taliyaha booliiska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan u xaqiijiyey in Taliyahii hore Qeybta Booliiska Saaxil lagu dilay iska horimaad ka dhacay gobolkaas.   Inkastoo aan la ogeyn sababta idaacada VOA u baahisay war xaqiiqada ka fog oo ku saabsan dilka taliyahii hore Qeybta Booliiska gobolka Saaxil, ayaa dhinaca kale waxay ku sheegeen in Taliyaha booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan uu  u sheegay in koox budhcad ah oo hubeysan ay dileen taliye Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud.  Warkan xaqiiqada ka fog ee shalay idaacada VOA baahisay  waxay ku tidhi “Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka gobolka Saaxil iyo dad mudaaharaad sameynayey ay isku dhaceen, islamarkaana taliyuhu  uu ku geeriyooday isku dhacaas.”  Tallaabadan idaacada VOA sida cad uga been sheegtay xaqiiqada warka dilkii foosha xumaa ee dableyda  jid-gooyada u gashay ku dileen Taliyahii hore Qeybta Booliiska Saaxil, kuna dhaawaceen xubno la socday ayaa si weyn layaab ugu noqday bulshada reer Somaliland guddo iyo dibedba, una arkaan mid si cad loogu dhaawacayo ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, oo waxyeelo kastoo soo gaadha saamayn ku yeelanayso dhammaan wadamadda Geeska Afrika.  Ra’yul caamka bulshaddu waxay is weydiinayeen in ficilkani yahay mid ka turjumaya siyaasadda dawladda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland ama yahay mid ku kooban maamulka idaacadda ee Soomaalida ah oo ay ugu adeegayaan  dawladda Muqdisho si ay nabad-gelyada  Somaliland ay sawir taban  uga siiyaan caalamka.  Waxa kale oo faaqideyaasha  warkan xaqiiqada daboolka lagu saarayay meel ka dhac ku ah Somaliland ee ay baahisay  laanta afsoomaaliga ee VOA-du ay is weydiinayeen nooca tallaabadda ay Wasaaradda warfaafinta Somaliland  kaga fal celin doonto warkaas been abuur ah oo mudan in masuuliyiinta idaacadan wax laga weydiiyo asbaabaha ku dhaliyay in marin habaabiyaan bulshadda iyagoo sheeganaya  idaacad weyn oo ay ka hawl-galaan suxufiyiin aqoon u leh mihnadda warbaahinta. Masuuliyiinta warfaafinta ayaa la eegi doonaa waxay ka qabtaan idaacaddan oo laasimtay inay Somaliland ka bixiso sawir aan sax ahayn.

 

Exit mobile version