WAJAALE NEWS

Geesi La Gartay; Cabdiqani, Waa 16 jir Oo Naftiisa Halis u Geliyey Si Uu Badaadiyo Laba Carruura Iyo Hooyadood,

Billad-geesi iyo Cabdi-geesi

Cabdiqani Xuseen Xasan, waa 16 jir naftiisa halis u geliyey si uu daad uga badaadiyo laba carruura iyo hooyadood, halka laba kalena ay ku geeriyoodeen masiibadii daadkii balliga Qudhac-dheer.

Cabdiqani ayaa billad-geesi lagu hor guddoonsiiyey boqaal arday oo ka wax barta dugsiga Qudhac-dheer oo uu ka mid yahay ardayda wax ka barata.

Waxa aan u mahadcelinayaa oo hawsha billadda i la agaasimay Aniisa Sabaax, Cabdirisaaq Cisman Fadal iyo Mahad Abdule oo isagu qaybtii hore ee agaasimka na yar daahay, hasayeeshee xagga dambe naga soo gaadhay.

Waxa kale oo aan iyagana u mahadcelinayaa Mohamed H. Dirir oo qaabilsanaa agaasimka hawsha ee gudaha iyo Khaalid Foodhaadhi oo diyaariyey warbixin qiimo badan oo uu ka sameeyey billad guddoonsiinta.

KA BOGO MUUQAALKAN;

Exit mobile version