WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Degmada Tog-Wajaale ,Xoghayihii Iyo Xubno Kale Oo Is casilay +Sobabta keentay

Tog-Wajaale(W,N)-Gudoomiyihii Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale Mustafe Sheekh Abokor Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo ee Xisbigaasi iska casiley kadib markii,ay ogaadeen in dadweynihii iyo Shacbigii Reer Tog-Wajaale aaney habayaraatee wax cod ah iyo wax taageero ah siineynin marka loo eego sida ay ku hayaan Degmadaasi Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada.

?????????????

?????????????

Gudoomiyihii Degmada Tog-Wajaale ee Xisbiga Kulmiye Mustafe Sheekh Abkor Xuseen oo ka hadlaya iscasilaadiisu waxa uu ku bilaabey hadalkiisa.

“Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaan leeyahey baadida Ragbaa kula daydayi daalna kaa badane, aan doonahayn inaan hesho daa,in abidkaa Anigoo ah Gudoomiyihii Xisbga Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale Mustafe Sheekh Abokor Xuseen mudo koobana hayay xilkaasi waxaan go,aansadey maanta inaan iska casilo Xilkaasi kadib markii aan arkey inaanu Xisbigu Degmada Tog-Wajaale habayaraatee, ka helaynin taageero iyo cod sababtoo ah waxa ay Shacbiga Reer Tog-Wajaale kawada talaabeen habdhaqanka foosha xun ee Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale oo ay sabab u tahey iscasilaadayadu waxa uu ninkaas markii ugu horeysay ee Xilka Degmada loo dhibay ku talaabsadey arimo fool xun oo ka baxsan Maamulka iyo Dawladnimada iyo in uu ku dhaqaaqo qof masuul ahi arimahaas oo ay kamid yihiin Dhul boob badheedh ah weeraro fool xun oo uu kula kacey Xubnihii goob diiwaangalinta Komishanka oo aan kaw iyo laba midna laheyn taasina ay dib udhac fool xn ku keentay Diiwaangalintii dadweynaha Degmada Tog-Wajaale iyadoo markii horeba umadu ka yaabaneyd sababta ay Xukuumadu nin shacbi ah ugu soo magacawdey Degmada Tog-Wajaale ayaa habdhaqankiisuna kasii xumaadey markaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxwyne waxaan leeyahey waa nasiibkaa mar hadii ayna wada soconin Xukuumadii iyo Xisbigii oo arimahan foosha xumina jiraan waxaan go,aansadey inta ayna dhabteyda ku go,in inaan xilkaasi iska casiley, wali Xisbigii kamidbaan ahey kamaan bixin waan shaqeynayaa horena mutadawacnimo ayaan ugu soo shaqeeyay oo aan jeebkeyga wax walba ka dabari jirey hawl kasta maantana sidaa si leeg laakiin masuuliyadii aan hayey sidaasaan kaga tageyaa dadweynihii nala soo shaqeeyay iyo Xoghayaha Dhoose ee Degmada iyo Wasirka Warshadaha waxaan u gudbinayaa mahadnaq gaar ah, waxaanan uga mahad celinayaa sidii fiicneyd ee ay noola soo shaqeeyeen”Ayuu yidhi Mustafe Sheekh Abokor Xuseen.

 Waxa kale oo isaguna ka hadley Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Degmda Tog-Wajaale  Cabdiraxmaan Saleebaan Muxumed Rooble oo sheegay in uu iska casiley Xilkaasi isagoo si adag u haraamay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale iyo Kuxigeenkiisa oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa Xisiga Kulmiye looga yaacayo Reer Tog-Wajaale oo dhan islamarkaana, aaney habayaraatee u haynin Xil Xisb maadaama aaney jirin kasbash dhinaca Dadweynaha ah iyo Wadashaqeyn Xisbi iyo Xukuumad ah, isagoo sigaar ah ugu mahad celiyay Xoghayaha D/hoose ee Degmada iyo Wasiirka Warshadaha.

 

Waxa kale oo isaguna iska casiley Xilkii Xoghayaha Xsbiga Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale Maxamuud Macsuun Nuur oo Sheegay inaan Xisbiga Kulmiye loogu sii hayn karin xil habdhaqanka Tog-Wajaale marka loo eego ee Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa Degmada.

Qeybo badan oo kamid ah dadweynaha Degmada Tog-Wajaale ayaa iyaguna la qaba habdhaqanka Foosha xun ee Maamulka Degmadaasi gaar ahaana Gudoomiyaha.   

 WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

Exit mobile version