WAJAALE NEWS

Ergayga Cusub Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Gudoomiye Cirro.

Hargeysa(WJN):-Ergayga Cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Dalalka Somalilnd Iyo Somalia General Michael Keatig  ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somalialnd ahna Guddomiyaha  Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
1
Waxaana qoraal yar oo uu ku baahiyay barta ay bulshadu ku kulanto ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay inay wada kulmeen gudoomiyaha Wadani isla markaan ay kawada hadleen arimaha caqabadaha ah ee doorashooyinka dalka waxaana uu u dhignaa qoraalkaasi sida tan

““Waxaan la kulmay Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddomiyaha Xisbiga WADDANI ,waxaanu ka wada hadalnay caqabadaha doorashoyinka oo ay ku jirto isdiiwaangalintu  “ayuu yidhi Ergayga Qaramada Midobe ee Somalilnd iyo Somalia.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:-Abdiqadir Habane

Exit mobile version