WAJAALE NEWS

Somaliland: Hoggaamiyayaal Ku Dul Loolamaya Shacbi DhibaatooyinAbbaaro Iyo Kuwo Nololeed Hadheeyeen

Faallo:  Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network

Laba wefdi oo ay kala hoggaaminayaan Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi ee

WADDANI iyo KULMIYE, ayaa socdaal kaanabayn siyaasadeed ka wada

deegaamada galbeedka Somaliland, xili  Dhibaatooyin Abbaaro oo ku

habsaday dalka Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika ka

taagan yihiin deegaamada galbeedka oo noqday meelaha ugu daran

Aabaarta.

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan

Saylici oo ah musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga KULMIYE  iyo

Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye Muuse Bixii Cabdi oo ah musharaxa

Madaxweynaha ee doorashada  Madaxtooyadda Somaliland marka la gaadho

2017, oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan Xisbiga iyo

masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, ayaa gaadhay magaalada Boorama ee

xarunta gobolka Awdal laba maalmood ka hor, balse waxa socdaal ka daba

qaatay shalay  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan

Cirro oo ah guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland iyo wefdi uu

hoggaaminayo.

Ujeedada labada Wefdi oo ku sugan Boorama, wuxuu socdaalkoodu la

xidhiidhaa arrimo siyaasadeed iyo kaanbayn, wuxuuna socdaalka labada

wefdi kusoo beegmay xili deegaanka gobolka Awdal laga bilaabayo hawsha

diiwaangelinta, taas oo la doonayo inay qayb ka noqoto qorshaha

doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan marka la gaadho

sanadka 2017.

Hase yeeshee labada wefdi ee ku sugan Boorama oo wata gaadidka qaaliga

iyo Baabuurta aan rasaastu karin ee (Bullet Proof), waxa ka dhashay

socdaalkooda iyo loolankooda xiligan doodo iyo su’aalo rayal caamka

bulshadu is weydiinayaan, kuwaas oo ay dhaliyeen duruufaha iyo

xaaladaha dadka dhibaatooyinka nololeed iyo kuwa dhaqaale ee hore u

haystay oo ay ugu darsameen waqtigan Abaaro saamayn xooggan ku yeeshay

boqolaal kun oo qof oo u badan dadka deegamada Miyiga ee Beeralayda

iyo kuwa xoola dhaqatada ah, iyadoo deegaanka galbeedku oo ku tiirsnaa

inata baddan Beeraha saamaynta abaartu ku yaalatay ay sababtay

macaluul baahsan oo aanay waxba ka ogayn hoggaamiyayaasha Somaliland,

balse ay ku hanbaabereen xaalada abaareed ee dalka ka jirta markii ay

temeshle iyo loolan kaanbayn siyaasadeed ah ugu tageen dadka

deegaanadaa ku nool, kuwaas oo aanay waxba kala socon intooda baddan

nolloshooda iyo duruufaha ay ku nool yihiin.

 

Dadka ku nool deegamada labad wefdi ee labada Xisbi ku loolamayaan,

waxay filayeen gurmad Biyo dhaamis iyo cunto. laakiin waxay

xaqiiqsadeen markii ay labada wefdi ku kulmeen deegaanka

galbeedka,gaar ahaan Boorama oo ah xarunta Gobolka Awdal in gaadiidka

faraha baddan ee dhinaca Hargeysa oo ay gurmad ka filayeen aanay ahayn

kuwo u socda inay wax kala qabtaan dhibaatada nololeed ee haysta,

balse ujeedadoodu tahay oo keliya kaanbayn kursi doon ah.

 

Tallaabooyinka iyo dhaqamada noocan ah, waa kuwo uu diidayo  Damiirka

aadamaha iyo caqliga saliimka ahi, laakiin waa hab- dhaqanka

siyaasiyiinta Somaliland ee aan damiirka lahayn, kuwaas  oo ku dul

loolamaya dadkooda dhibaataysan ee u baahan xiligan gurmadka dad iyo

duunyaba, balse waxay u muuqataa in loolanka iyio xafiiltanka kursi

jacaylku ilawsiiyay wax badan, isla markaana ay sabab u tahay inuu

damiirkoodu siiyo inay dadkii iyo xoolihii gurmadka u baahnaa ku dul

loolamaan iyagoo wata gaadiidka ugu qaalisan ee masuuliyiinta xiligan

iyo madaxda Somaliland isugu faanaan, isla markaana waxa hubaal ah in

kharashyada ku baxa safarada sidan oo kale ah iyo xafladaha ay isku

daawadaan masuuliyiinta xukuumaddu ee inta baddan Hargeysa lagu qabto

ay wax badan ka tari lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaalle ee dalka ka

jira duruufaha Aabaaraha ku habsaday dalka ka dhashay ee saamayeeyay

nolosha Miyi iyo magaaloba.

si kastaba ha ahaatee xaaladda Abbaareed iyo duruufaha nololeed ee ka

taagan deegaamada galbeedka dalka iyo kuwa kale, waxay u baahan yihiin

gurmad, balse uma baahna xiligan loolan siyaasadeed iyo temeshle lagu

dhex taxaashiyo Baabuur qaali ah.

Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

 

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

Exit mobile version