WAJAALE NEWS

Siyaasi C/fataax Cali Oo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabilay Ku Eedeeyay ficilada Dhaqan Xumada iyo Waji ku Macaashka ah Ee Uu Kawado Gobolka.

Hargaisa(W,N)Siyaasi C/fataax Cali Cabdilaahi  Oo kamid ah Siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee Miisaanka ku leh guud ahaan gobolka Gabilay, ayaa uga digay Xoghayaha Dawlada Hoose ee degmada gabilay C/raxman Nuur Abokor in uu joojiyo waxa uu ugu yeedhay,  dhaqan xumada baryahanba uu caadaystay xoghayuhu.

Siyaasi C/fataax Cali Bare  oo warbaahinta lahadlayay ayaa ku eedeeyay xoghayaha in uu gobolka ka wado ficilo dhaqan xumo ah oo ay kamid tahay abaabulka dhalinyaro ka fidisa gobolka dacaayado waji ku macaasha oo baryahan u danbeeyayba la isku adeegsado.

Siyaasi C/fataax ayaa tusaale usoo qaatay in uu xoghayuhu kadanbeeyay dhalinyartii dhawaan Eyga  u xidhay calanka xisbiga Wadani Xili wafti ka socda Xisbiga Wadani ku sugnaayeen Magaalada Gabilay.sida oo kale waxa uu siyaasigu ku eedeeyay xoghayaha in uu kadanbeeyay dhalinyaro shalay isku sheegay cuqaasha gabilay oo warbaahinta ku dhaleecaynayay Muj.Cali Guray, waxa aanu sheegay in uu xoghayahani kusoo kordhiyay gobolka ficilo fool xun oo dhabarjab ku ah sumcada Gobolka iyo kan degmadaba kuwaasi oo uu u adeegsado dhalinyar laaluush qaatayaal ah oo bilaa camal ah.

kuna bixiyo cashuurtii laga soo ururiyay dadka danyarta ah.

Ugu danbayntii waxa uu siyaasi C/fataax Xaal siiyay Muj:Cali Guray oo uu ku tilmaamay mid aan u qalmin jawaab, waxa kale oo uu xaal siiyay cidkasta oo loo adeegsado dhalinyartaasi isaga oo sheegay in aanay habayaraatee matalin shacabka sharafta leh ee ku dhaqan gobolka gabilay waxa aanu talo usoo jeediyay xoghayaha dawlada hoose oo uu uga digay in uu joojiyo ficiladaas uu cashuurta danyarta laga soo ururuyay ee uu u adeegsanayo dhalinyarta bilaa camalka ah sidaasi darteedna aanu ku dalici doonin ficiladaas.

xukuumadana waxaan leeyahay waa ayaan daro in aad ku faraxdaan dadkaasi kolba cidii xukuumada amaba masuulkamida wax ka sheegta dhaliisha dawlada waxqarinaysa maaha.

 

Exit mobile version