WAJAALE NEWS

Madaxwayne Siilaanyo Oo Diiday Istiqaalad uga Timid Masuul ka Tirsan Xukuumadiisa.

Hargeysa (Wajaalenews) Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa diiday istiqaalad uu sanadkii hore dabayaaqadiisii u soo gudbiyay La Taliyihiisii dhinaca arrimaha dibada Cabdoo Axmed Aayir.

Cabdoo Axmed Aayir ayaa madaxwaynaha ka codsaday inuu ka aqbalo xilka la taliyaha madaxwayne Siilaanyo ee uu iska casilay balse madaxwayne Siilaanyo ayaa diiday casilaadaasi la taliyaha.

Qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee Wargeyska Himilo waxaa ay u qornayd sidan.

“Xil iyo Masuuliyad qaran oo qof loo igmaday, inuu iska casilo ama uu ka tanaasulo waa xorriyad, sidoo kale awoodaha distooriga ah ee uu Madaxweynuhu leeyahay ayey ka mid tahay inuu qof xil u magacaabo ama ka qaado ama uu ka diido Is-casilaada.

Mudane Cabdoo Axmed Aayar oo hore ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu qaranka u hayey (La-taliyaha Madaxweynaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda), wada tashi dheer kaddib, Madaxweynuhu wuxuu ka diiday inuu ka aqbalo Is-casilaadii uu masuulkani hore u iclaamiyey.

Sidaa darteed Mudane Cabdoo Axmed Aayar wuxuu ku qancay inuu halkiisii ka sii wato Masuuliyaddii uu Madaxweynuhu u igmaday.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Exit mobile version