Maxaa Kala Qabsadey Reer Gabiley Iyo Hogaanka M/weyne A. M. M.-Siilaanyo-?
Muxuu ku dhintey Taliye Nuux Ismaaciil Taani, M. X. C/llaahi-jidhif-, Muj. C/raxmaan Aw Yuusuf Ducaale-Boobe-, Dr. Muuse Qaasim Aw Cumar oo hadda xaley daaqada ka boodey, iyo in badan oo kale oo aan la isweydiin mas’alooyin ku gedaaman arrimahooda iyo maamulka dowliga ah? “
Hal-qabsi:
Ill bay doqoni leedahey, nin xiga ay ku aragtaaye…..
Tix ka mid ah Gabayadii Dacar Ibraahim (AHUN).
Waxaa hal-xidhaale taagan noqdey hadal heynta reer Gabiley ay waayaha siyaasada ku wadaagaan; dood badan oo aan kala go’ laheyn misna kakan marar badana si caadifad leh, cadho leh, iyo abaabulo xoogan oo heer hoose ah huwan ay kaga fal-celiyaan arrimo xilliyo kala duwan kala soo dersa saaxada siyaasada dalka. Waxaa taas ka horjeeda AAMUS IYO IS GAABIN ay kaga falceliyaan boqolkiiba in badan haldoorka gobolka u dhashey oo taariikh weyn leh xeyndaabka; aqoonta, midka nolosha, kan ganacsiga, ka cilmiga diinta islaamka, iyo xadaarada iyo is-dhexgalka qowmiyadaha geeska gaar ahaan galbeedka geyiga Soomaalida. Run ahaan, Reer Gabiley waxay sumcad, sharaf, iyo geesinimo si weyn ugu xardheen diiwaanka taariikhda geeska afrika guud ahaan xilliyo kala duwan.
Sidaa darteed waxaa dareenkeygu aad u kacaa una xanto-xantoodaa marka iyo hadal qaadka Gabiley waayaheeda marka aan maqlo gaar ahaan intan iyo intii la odorasey habka xisbiyada badan oo hadda Cimirigiisu gaadhey 14 sanno waana xilli inan ku qaan-gaadho da’ ahaan! Gobolka Gabiley ma uu mahadin cahdigakan kumana hayo guul dib-u-dhac mooyee! Waa xaqiiq biyo-kama dhibcaan ah tiraabtaas waanan hayaa dhacdooyin markhaati u ah!
Doodahaas aan dhamaadka laheyn oo inta badan qaylo-dhaan isu tarmininaaya waxaa ugu dambeeyey MAQAALKA uu qorey Md. Farxaan Cabdi oo aan ka akhriyey shabakada Wajaalenews.net(dadweynaha reer Gabiley Yaa u Maqan Ansixinta Gobolnimada Gabiley). Runtu waxa weeye wax kasta oo nolosha la deris ah in uu si toos iyo mid dadban labadaba saameyn inoogu leeyahey hadba inta nool. Waan ku hambalyeynayaa sida togan oo Md. Farxaan inoogu gudbiyey dareenkiisa!
Haddaba, waxaa isweydiin leh halkee salaadu ka xidhmi la’dahey? Waa su’aal u baahan in lagu lafo-guro si xalka dhabta musawir sax ah looga bixiyo pp maskax degan oo ka madhan caadifad, ciil cid loo qabo, xintan sokeeye, kooxeysi dan gaar ah, iyo wax kasta oo xaaraan ka ah milgaha nolosha balse dan u ah nolosha ummada gobolka, midka saaxada siyaasada dalka, iyo gaar ahaan jiilka maanta soo kacaya oo inooga baahan hilaadinta fiican ee nolosha mustaqbalka oo ay xaq inoogu leeyihiin-ALLOW NA GARANSII ADIGA AYAA AWOOD LEH-?
Haddaba, aan ku bilaabo nuxurka qoraalkeyga: Gabiley waa Gobol ka Gabnoobey Haaneydinta Garaadka Togan!
Waxaan ku adhxey tiraabtaas murtida soomaaliyeed oo ah “Arrin xumo Abaar ka daran”. Hadda iyo haddiiba aad arrin xumeysato waa hubaal in ay kaaga adag tahey abaartii ku heysey.
Mucda doodeyda xilliyo kooban:
Sannadaha 2001-2002 waxaa ay ahaayeen bilowga cahdiga habka asxaabta badan oo waayo cusub ku ahaa reer Somaliland misna xiiso badan ku duugan tahey. Waxaan ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo si wanaagsan iskood abaabul salmi ah kaga qeyb galey hiregelinta nidaamka asxaabta badan. Kuwaas oo si aan kala go’ laheyn oo mutadawacnimo ah uga howl galey deegaanada Hargeysa iyo Gabiley. Waxay ay noo aheyd xilli cajiib ah oo tijaabo iyo tababar hor leh ay noloshayadu nasiib u heshay!
Sida aynu wada ognahey, waxaa markiiba isla oogsadey caabin adag oo siyaasi ah oo lagala horyimid hogaamiye M. I. Cigaal iyo hindisaha cusub oo uu soo bandhigey (AHUN). Waa marka aanu is tusney in ay gaadhey wakhtiga ay waajib tahey in aanu si toos ah uga mid noqono tamarinta hayaanka himilada ummada! Waxaanu go’aansaney in aanu si togan oo salmi ah uga qeyb qaadano uguna hiilino hogaamiye M. I. Cigaal (AHUN). Waxaan xasuustaa sida ay garashadeyda ugu duugan tahey xasuusteyda ifafaalaha tusta siyaasiyan taban oo maanta migilkiisa weyn ku hoorsan yahey gobolka Gabiley!
Waxaa muuqatey in markan gobolka Gabiley galey cahdi kala-guur ah xaga cimriga haldoorkii hore; madax-dhaqameed qiimo leh, cullimo ehlu-musharaf ah, cuqaal caaqiibo leh, Suldaan karaamo leh, ganacsato milgo leh, saraakiil musharaf ahaa IWM! Waxaad dareemeysey talo-nugely la deris ah cida iyo bedelka haldoorka meesha baneynayay. “kuwan waa Oromo maba aha muwaadiniin oo malaha qaxootiga ayey ka yimaadeen” sidaa waxaa yidhi haldoor ka mid kuwa maanta baylahiyey Gobolka Gabiley misna fursad shakhsi uga dheefey saaxada nuglaatey oo aan garabkiisa ka dhowaa maalin ay koox dad ah mudaharaad salmi ah wadeen magaalada Gabiley. Waa xasuus aanan ilaawin oo garashadeyda ku soo maaxata marwalba oo aan maqlo duruufta gobolka aan dhalasho ka soo jeedo! Yaab iyo amakaag ayey igu noqotey hadalka ninka weyn Alle afkiisa ka keeney balse isaga dhinaca uu ka joogey saaxada ayaaney taageero u aheyn dareen-celinta dadkaas oo aan kaga duwanaa sida khaldan oo uu uga hal-celiyey!
Waa hubaal in bulshadu dhib badan kala kulmeyso geediga siyaasiga marka talada gondaha hoose sidatan u nugushahey. Halkaas ayey mushkiladu ka sii socotey si xowli ah, waa geedi karaar qaatey. Waayo, odoroska siyaasiga oo cusub, dar dar leh, xowli dheer ku socda, una baahan kobcin deg-deg ah, isla markaa dadka dhibaya haddiiba aaney talo adag oo hoose aaney sameyn. Halkan weeye, meesha Gabiley ka jabtey mana ay helin kabniin dhab ah oo cidda ay ku waajibtey ay tahey in ay qabtaan! Halkaas ayey arrimuhu weli ka soo maaxayaan dawona looma helin in la damqo ma ahee. Waabey doobir badan tahey haddiiba aynaan is diidsiineyn!
Aan ku daro eh; cahdikan xisbiga Kulmiye oo reer Gabiley ugu abaal shaagtaan miisaanka codkii uu ku yimid oo run ah; Maxaa kala qabsadey reer Gabiley iyo hogaanka M/weyne A. M. M.-Siilaanyo-? Muxuu ku dhintey Taliye Nuux Ismaaciil Taani, M. X. C/llaahi-jidhif-, Muj. C/raxmaan Aw Yuusuf Ducaale-Boobe-, Dr. Muuse Qaasim Aw Cumar oo hadda xaley daaqada ka boodey, iyo in badan oo kale oo aan la isweydiin mas’alooyin ku gedaaman arrimahooda iyo maamulka dowliga ah? “Aniga iyo Duur oo kormeer ku tagney aaga shaqaaqada ee Ceel-bardaale ayaa ku arkey nin direyska ciidanka gashan oo reerkooda ah. Sidaa ayuu Nuux Taani xilka ku waayey” sidaa waxaa laga soo wariyey wasiirkii hore ee m/tooyada Md. Xirsi mar uu la kulmey koox dhallinyaro ah oo Gobolka ka soo jeeda.
Lax walba shillalka ay is dhigto ayaa lagu gowracaay, Gobolka Gabiley masiibo siyaasiyan aaney ogalaanin kuma dhicin waabey doobir badan tahey! Suurto-galna ma aha amar ku taagleyn cahdigakan Somaliland hano-qaadey oo ummada ayeynu kala simanahey weliba loogu jecel yahey in la helo fursada cod ee Gabiley Alle siiyey. Runtu waxaa weeye, in aan talo aadan dhisan, taban-taabin, oo aadan u gal-galan meel-marinteeda aadan macaash ka heleyn! “Tacadiga siyaasiga ah ee reer Gabiley lagula Kacey kama dhaceen inta bada oo reer Somaliland ah maanta oo kale balse idinka dhexdiina talo-xumo ka jirta ayaa sabab u ah sida la idiinla dhaqmey” sidaa igu yidhi nin xilkas ah, miisaan weyn ku leh saaxada siyaasada oo wakhti badan oo aanu is naqaano mar aanu ku haasaaweyney kal hore magaalada Hargeysa.
Gebo-gabada, Nimaan Kuu Furin Yaanu Kuu Rarin weeye, haddiiba aan inaga reer Gabiley ah isu tashan, ka mideysnaan hayaanka nolosha bulshadeena iyo horumarka ay u baahan tahey, hubaal weeye in ay ka daraan doonto berri ka maalin-Alle kama dhigo eh-. Arrinta ansixinta Gobolka Gabiley iyo halka ay taal waa inaga kamana shaqeyno wixii kale waa barnaamijka Tom and Jerry ee carruurtu ku maaweelooto.
Midhna waa iga dardaaran, ma ogi anigu cidd inoogu soo deg-degta sida aynu maanta siyaasiyan isu beylihiney waaba la iska keen dhowraa. Balse marar kooban ayey shaxda siyaasadu ku jareysaa sida xaley oo kale oo aan jecelahey in cidda reer gabiley ah ee daneynasa gobolku ay si weyn u lafo-guraan hal-abuurka dheesha xalley; ayaa alifey, dan ugu jirtaa, misna leh guusha rasmiga ah oo ka dhameystey m/tooyada? Cidda garataa wax badan oo kale ayey qaban kartaa waanan ku dhiiri-gelinayaa in ay ka jibo keenaan saaxada weliba waan ku taageerayaa.
Midhna waa iga waano, fadlan waalalayaal aynu joojino jawaab-celinta siyaasada tabashadeed oo mararka qaar ciddo kale aynu gef ugu geysano! Waxba macaash ma keeneyso kab la taago, san cid laga qabsado, iyo sifo kasta oo kale oo aan sharafta meel ku laheyn keliya waa laf-jab aynu dadnimadeena u geysaneyno oo ciddo kale ku mucaashayaan.
Waxaan ku gunaanadey qoraalkeyga HEESta Wadani ah:
Isku duubnibaa dadkeygow dulli kaga baxdaa,
Nolol Daacada iyo Deeq iyo wanaag ku dur-duurataa.
Beydad ka mid ah Hees Wadani ah (Hoobalada Qaranka)
Allaa mahad leh,
Qalinkii: Mustafe Suleyman Cilmi, Hargeysa, Somaliland.
Cell Phone: 00 252 (0)63 4137470
Email: mustafe72@gmail.com.
DOOD FURAN FADLAN KA DHIIBO FIKIRKAAGA OO AY KA REEBAN TAHAY CAADIFADA IYO DHALEECAYTU .