WAJAALE NEWS

Dalka Maraykanka Oo Dawlada Itoobiya U Balan Qaaday Inuu Ka Caawinayo Abaaraha

abaaroHargeysa(Wajaalenews.net):- Maraykanka ayaa kordhiyay gargaarka deg-degga ah uu siiyo dalka Itoobiya, waxa uuna ka dhigay ku dhawaad 100-million oo doolar in lagu caawiyo la dagaalanka saameyntii ay geysatay abaartii ugu xumeyd ee dalkaasi soo marta tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa ku dhawaad 10million oo qof in ay u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in tirada dadka gargaarka u baahan ay sii laba-jibaarmayso billaha soo socda.

Abaartan ayaa ka dhalatay iyadoo aanan la helin roobabkii sanadkan la filayay.

Lacagtan dheeriga ah uu bixinayo Maraykanka ayaa gacan ka geysanaysa kordhinta barnaamijyada cunada.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdulkadir Habane

Exit mobile version