WAJAALE NEWS

DAAWO;Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo ka Hadlay Arinta Muranka Ka Taagan Tiyaatarka Magaalada Hargaysa.

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirada wasaaradaha warfaafinta iyo hawlaha guud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu bixiyey dhulkaasi iyo noovcyada kala duwan ee dhulku ka kooban yahay.

Ugu horayn wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md cabdlaahi Maxamed daahir Cukuse ahna afhayeenka Xukuumada ayaa waxa uu tilmaan cad ka bixiyey heshiiskii Tiyaarka lagu dhisay, xiliga heshiiskaasi, go’aamada Madaxweynaha JSL ku bixiyey dhulkaasi iyo eedaymaha aan xaqqa ahayn ee ay soo jeedinayeen dhinacyo kale.

Dhankiisan wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta oo wasaaradiisu mas’uul ka tahay dhulka danta guud  ayaashir jaraa’idkaasi waxa uu ka caddeeyey waxyaabaha uu xaq u leeyahay ganacsade Cumar caydiid iyo waxyaabaha kale ee si aan jirin loo buunbuuniyey

Exit mobile version